Madaxweynaha Somaliland oo soo Bandhigey Waxqabadka Xukuumadda ee 100-cisho

Monday April 21, 2025 - 10:46:36
hadhwanaagnews
Awoodda iyo sumcad wanaagga Jamhuuriyadda Somaliland w



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbadiisi dastuuriga ahayd ee uu ujeediyay mudaneyaasha labada gole ee guurtida iyo wakiillada ku soo bandhigey guulihii iyo waxqabadii ay gaadhey xukuumaddiisu mudadii 100-cisho ahayd, waxaanu mid mid isu dul taagey kuwa tiirarka iyo udub dhexaadka u ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay horumarinayso awoodeeda difaaca iyo nabadgalyada gudaha, iyadoo la tirakoobtay ciidamada kala duwan, lana qarameeyay ciidamadii madaniga ahaa iyo hubkoodii, kuwaas oo marka ay tababarkooda dhamaystaan noqon doona cudud ciidan oo soo korodhay.

Waxa kale oo uu sheegay in la dhisayo ciidan kayd ah, sidoo kale waxa uu xusay in ciidamada lagu soo kordhiyay qalab iyo aqoon casri ah. Waxaanu yidhi "Annaga oo ka duulayna aragtida siyaasadeed ee xukuumadda, iyo guulahan bilowga ah ee ay xukuumaddu gaadhay boqolkii maalmood ee u horreeyey, waxa aanu ka hawlgalnay dhammaystirka midnimada Qaranka, iyo qiyamka dimuqraadiyadda oo udub dhexaad u ah siyaasadayada.

Awoodda iyo sumcad wanaagga Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku yimaadeen, nidaamkeenna dimuqraaddiga ah, dhaqankeenna wada-tashiga iyo xallinta khilaafaadka ah, iyo adkaysiga dadkeenna. Waxa aannu qaadnay tallaabooyin muhiim ah oo aannu ku xoojinayno, waaritaanka xasiloonida, iyo wada- lahaanshiyaha dawladnimada.”

Madaxweyna Somaliland waxa uu sheegay in la asaasay hay’ad qaran u gaar ah arrimaha nabadda, waxaanu yidhi "Waxa aannu aasaasnay hay’ad qaran oo u gaar ah nabadda iyo isu soo dhaweynta muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Oodo dhacameed sida ay u kala horreeyaan ayaa loo guraa ee, waxa aanu shaqada ka bilownay in dhammaan qaybaha bulshada aannu ka qaybgelinno talada qaranka, oo ay metelaad ku yeeshaan si aannu u soo noolaynno kalsoonidii muwaadinku ku qabay dawladdiisa.

Waxa aannu kulammo la yeelannay dhammaan qaybaha bulshadaeeayka midyihin GolayaashaQaranka, culimada, madaxda dhaqanka, Ganacsatada, aqoonyahanka oo isugu jira rag iyo dumarba, warbaahinta, iyo hal-abuurka iyo suugaanleyda, si aannu u dhegeysanno aragtidooda, iyo talada ay ku darsanayaan Qarankooda.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi raaciyay "Arrimahaas aannu ka warannay waxa ay ka turjumayaan, sida ay nooga go’antahay in aannu gaadhno himiladayada ah in la abuuro Somaliland ay midnimada, wax-wada-lahaanshiyaha, cadaaladda, nabadda, iyo dimuqraadiyaddu sees u yihiin dawladnimadeeda.

Waxa aanan illaabayn, in aan bogaadiyo beelaha walaalaha ah ee Ceel-afweyn wada-yaalla, madaxdooda dhaqanka, xildhibaanadooda, aqoonyahankooda iyo siyaasiyiintooda oo dhammaantood nagala shaqeeyey in la soo afjaro Colaadda innagu raagtay ee Ceel-Afweyn, ciidamadii labada beelood iyo hubkoodana lagu wareejiyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aan sida oo kale u mahad naqayaa Salaadiinta, Cuqaasha iyo xeer beegtida ka garnaqaday soona afjartay colaaddii guunka hayd ee Ceel Afweyn oo iyagu aan muddo bilo ah arrintaas u kala kicin, una dhabar adaygay.

Waa guul weyn oo aynnu ku joojinnay dhiigga muwaadiniinta ee macno darrada ku daadanayey muddo ka badan 9 sannadood. Hadda ka dibna, waajibka noo yaallaa waa in aannu ka shaqayno horumarinta deegaanadaas.

Waxa aan u mahadcelinayaa beel kasta ama deegaan kasta oo qaramayeeyey gaadiidkiisii, hudbkiisii iyo ciidankiisii madaniga ahaa oo maanta noqday Ciidan Qaran oo aynu ku faanno.

Waxa aan dhammaantiin idinka codsanayaa in aynnu sacabka u tunno Madaxweyne ku xigeen-ka Jamhuuriyadda Somaliland walaalkay Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafdigiisii isugu jiray Wasiirro, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed, Taliyayaasha Ciidanka iyo haldoor kale, oo arrintaas tacab, wakhti iyo dadaal Qarannimo ah geliyeen.

Hay’adaha Qaranka oo Baarlamaanku ugu muhiimsan yahay, iyo Axsaabta siyaasaddana waxa aannu ka codsanaynaa inaynu iskaashi, wada shaqayn iyo wadatashi ku gaadhno danta guud ee Qarankeenna iyo dhismaha mustaqbalka wanaagsan ee ubadkeenna.

Muwaadiniinta waxa aan ugu bishaaraynayaa, guulaha la taaban karo ee aynnu gaadhnay muddadii koobnayd, in ay yihiin bilowgii, wakhtigii iyo shaqadii miisaanka lahaana ay inoo dambeeyaan.

Difaaca iyo ilaalinta JSL, nabadda iyo ammaanku waa seeska horumarka iyo gaashaanka dawladnimada.

Boqolkii maalmood ee hore waxaa xukuumadayda Wadajir iyo Waxqabad u suurtagalay fulinta tallaabooyin muhiim ah.

Waxa aannu Qaramaynnay hubkii iyo Ciidamadii madaniga ahaa oo aannu tababarro u bilownay, kuwaas oo maanta ah cudud ku soo biirtay ciidamadeenna Qaranka.

Waxa aannu tirakoob iyo diiwaangelin bu’da isha ah ku samaynay dhammaan ciidamadeenna, si aannu u sugno tirada saxda ah ee ciidamada qaranka ee kala duwan, meeshana uga saarno magaca iyo jiritaanka erayga caagle, taas oo fure u ah bilowga mushahar kordhin ballaadan oo aanu u samaynayno ciidamada.

Maanta askarigu waxa uu mushaharkiisa toos uga helayaa khasnadda Qaranka, askariga iyo qoyskiisu waxa ay heli doonaan daryeel iyo adeegyo bilaash, xukuumaddu waxay horumarin doontaa nidaamka dallacsiinta iyo abaalmarinta ciidamada .

Waxa aannu tababarro cusub uga faa’idaynay in ka badan 700 oo sarkaal, kuwaas oo qaarkood aanu dalka dibaddiisa ugu dirnay tababarro heerkoodu sarreeyo.

Waxa aanu Teknoolajiyad iyo aqoon casri ah ku soo kordhinnay Laanta Socdaalka, iyo ciidamada ilaalada xeebaha oo aannu saddex-laab kordhinnay awooddooda sugidda ammaanka xuduud-biyoodkeenna. Waxa aanu sida oo kale kor u qaadnay heerka ammaanka dhammaan garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Si loo adkeeyo difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadaydu waxa ay maanta ku dhawaaqeysaa abuuritaanka Ciidamada kaydka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxa kale oo uu sheegay in isbeddel lagu sameeyay waaxda caddaaladda si bulshadu u hesho sinnaan iyo caddaalad, dhanka kale waxa uu sheegay in dhaqaaluhu 19% kor u kacay intii uu xilka hayay, waxa uu inta ku daray in ay maalgalin caalami ah u raadinayaan raadinayaan khayraadka Somaliland, si loo helo koboc dhaqaale oo dhameystiran.

Waxaanu yidhi "Dowlad-wanaaga iyo dib-u-habaynta garsoorka, xoojinta iyo tayeynta maamulku waa seeska uu ku dhismo dawlad-wanaaggu.

Annaga oo aragtidaas ka duulayna, si aannu u xoojinno awoodda shaqo ee xafiisyada dawladda iyo tayada adeegyada ay bixinayaan boqolkii maalmood ee hore waxaanu dib-u-habayn ku samaynay shaqada hay’adaha dawladda waxaana la xoojiyay hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Xukuumaddu waxa ay curisay ama kaabis, dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ku samaysay, xeerarka xayndaabka sharci u noqonaya daahfurnaanta iyo sarraynta sharciga.

Sido kalena waxaa la dhammaystiray siyaasadaha iyo qorshayaasha istaraatijiga ah ee seeska u noqon doona dib u habaynta maamulka iyo dawlad-wanaagga.

Muddo xileedkan kooban, xukuumaddu waxay hirgelisay dib u habaynta cashuuraha iyo ururinta dakhliga dawladda iyada oo la tirtiray galdaloolo kasta oo wiiqaysay maamul-wanaagga dakhliga dawladda si loola dagaalamo musuqmaasuqa.

Dakhliga dawladu saddex-biloodkii January ilaa March waxa uu kordhay 19%, marka la barbar dhigo labadii sano ee ka horreysay.

Xukuumadayda waxaa ka go’an inay xoojiso sarraynta sharciga, madaxda xukuumaduna ay kow ka noqdaan ku dhaqanka sharciga.

Xukuumaddu waxay bilowday qorshaha dib-u-habaynta garsoorka si loo xaqiijiyo cadaaladda, madax-bannaanida iyo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan sharciga iyo nidaamka garsoor ee dalka.”

     
Loading...