"Cilaaqaadkayaga waxa sababay Maraykanka oo ka quustay siyaasaddii
Somaliland ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku ay usoo jeedsatay in ay la shaqayso, isla markaana ay ka quusatay siyaasaddii "Soomaaliya hal ah" ee ay Washington muddada dheer ku wajihi jirtay arrimaha Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, ayaa sheegay in Somaliland ay gaadhay heer aan la dafiri karin marka la eego nabadda, dimuqraadiyadda ka jirta, iyo goobta ay ku taallo.
"Cilaaqaadkayaga waxa sababay Maraykanka oo ka quustay siyaasaddii muddada dheer u dajisnayd ee ‘Soomaaliya hal ah’. Waxa ay hadda kasoo laabteen oo ay arkeen in siyaasaddoodii hore aysan hadda shaqaynayn. Ta labaad, Somaliland waxay soo gaadhay xaalad aan indhaha laga qarsan karin,” ayuu yidhi Wasiir Bakaal
Dhinaca kale waxa beri garoonka cigaal international airport ee magalada Hargeisa aya si weyn loguso dhaweynaya wasirka arimaha dibada iyo iskashiga calamiga ah ee Somaliland mudane clraxman daahir Aadan