Breaking News: Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Muxuu U Sheegay Warbaahinta Israa'iiliyiinta.

Wednesday March 19, 2025 - 13:07:49
hadhwanaagnews
"Arrin kasta waa noo furan tahay in laga doodo, laakiin ma rabno in aan malo


Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo u waramayay Warbaahinta Israa’iiliyiinta ee Kan ayaa sheegay in dal Kasta oo danaynaya Heshiis ay galaan Somaliland Marka hore uu xafiis ku yeesho Dalka Somaliland.

"Arrin kasta waa noo furan tahay in laga doodo, laakiin ma rabno in aan malo-awaal ku samayno arrimo aan weli laga wada hadal . Dhammaan dalalka danaynaya inay arrimaha qaarkood nagala hadlaan waa inay marka hore xidhiidh wada shaqayneed nala yeeshaan oo ay xafiisyo diblomaasiyadeed ka furtaan Somaliland” ayuu Yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.

Muhiimadayada ugu wayni waa in aanu helno aqoonsi Caalami ah, maadaama aanu aduunka tusnay in aanu nahay dal nabad ah Sidoo kalena dimuqraadi ah oo u muddo 33 Sano ah gaarkiisa u taagnaa” ayuu Abdirahman Dahir Adan
     
Loading...