"Wafdigan ayaa ku soo beegmaya xili Mudooyinkii ugu danbeeyay ..."
Hargaysa (HWN) Sida ilo xog-ogaal ahi ay sheegen Wafti ka tirsan Golaha wasiirada Somaliland ayaa hawlo shaqo ugu safraaya dalka Maraykanka dhawaan.
xogtu ma shaacin magacyada xubnaha golaha wasiirada ee safarka ku tagaya Maraykanka.
Wafdigan ayaa ku soo beegmaya xili Mudooyinkii ugu danbeeyay ay si wayn u soo xoogaysanayeen xidhiidhka ka dhaxeeya Dalalka Somaliland iyo Maraykanka iyadoo Warbaahinta dunidu si wayn uga hadlayso in Maraykanku aqoonsanayo Jamhuuriyada Somaliland ee madax-banaanideeda kala soo noqotay 1991-kii dalkii la isku odhan Jamhuuriyada Soomalida {Somali Republic}.
Madaxwayne Ciro ayaana umuuqda siyaasi ka faa'iidaysanaya aqoonta dheer ee uu uleeyahay dilamaasiyada.