Wasiirka wasaaradda kheyraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good ayaa sheegay in mudadii uu joogay uu hirgeliyay 31 Ceel biyood Barkado, Dhaamam iyo Riigaga dhaadheer, waxa uu intaa ku daray in Dhaamamka ay qodeen kuwo casri ah isla markaana leh bacihii biyo qabatinta, ilayska Tamarta Qoraxda ku shaqeeya, Taangiyo iyo dararkii xooluhu ka cabbayeen.
Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in ay jiraan dhul badan oo la rabay in Ceelal biyood laga qodo oo fashilmay, waxaanu xusay in deegaanada Oodwayne iyo Ceel dheer ay u direen khuburo ka sameeyay sahaminta Biyaha oo ka yimi dalka dibediisa isla markaana jawaabtii ay ku soo celiyeen ay noqotay in 600 oo mirir loogu tagayo biyaha.
Geesta wasiirka Biyaha Somaliland ayaa tilmaamay in ka wasaarad ahaan ay qorshe ka leeyihiin sidii biyaha roobka ee Badda galaya looga faa’iidaysan lahaa loona qaban lahaa si bulshadu u manaafacaadsato.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay wax gaar ah uu ka dhigay qaybtii shaybaadhka biyaha ee wasaaradda taasi oo uu ugu talogalay inay hubiso guud ahaan Tayada biyaha ay isticmaalaan bulshada Somaliland, si loo ilaaliyo faya dhawrka biyaha dalka.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in lixda gobol ee waawayn ay ka hirgalinayaan Riigag Biyood oo waawayn oo gobol kastaa uu yeelanayo Riig u gaar ah, si looga kaaftoomo kaalmada shisheeye.
Gebo’gabadii wasiirka wasaaradda kheyraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good ayaa sidan ka sheegay mar uu hortagay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland.
Guddida joogtada ah ee golahaasi oo shaqays inta goluhu fasaxa ku jiro ayaa xog waraysata masuuliyiinta xukuumadda si ay warbixin ugu helaan shaqooyinka wasaaradaha iyo waxyaabaha u qabsoomay, sidoo Kalena waydiiya hadba waxa ay bulshu is waydiinayaan.