DEG DEG Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo u Kuur-galay Xaalada Caafimaad ee Burco

Saturday May 31, 2025 - 11:33:27
HADHWANAAGNEWS
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland,,,,

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, ayaa safar shaqo ku tagay shalay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,

Ujeeddada safarkan Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ku tagay Magaalada Burco ayaa waxa uu ugu kuurgalay xaalada Caafimaad ee Magaalada Burco iyo Caqabadaha ku gedaaman xarumaha Caafimaadka ee Gobalka Togdheer.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa kulan la qaatay Iskuduwaha Caafimaadka gobolka Togdheer iyo Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Burco ayaa waxa lagaga wadahadlay arrimo la xidhiidha adeega Caafimaadka.waxaana Wasiirka ka dhagaystay warbixino faahfaahsan oo la xidhiidhay xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka gobolka, baahiyaha agabka caafimaadka iyo heerka shaqada uu bulshada u hayo Cisbitaalka Magaalada Burco.

Sidoo kale Wasiir Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa tilmaamay in wasaaradda ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka oo dhan, Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in la dardar gelin doono qorshayaal lagu tayaynayo xarumaha caafimaadka iyo in kor loo qaadi doono waxqabadka shaqaalaha Caafimaadka ee gobolka Togdheer.
     
Loading...