Dhanka kale waxa uu Jiif Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir,
Jiif Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa boggaadiyay kulanka madaxweynaha JSL iyo dhigiisa dalka Kenya, waxaanu tilmaamey inay tahay guul u soo hoyatey Qaranka.
Sidoo kale waxa uu xusay in madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu suxul-duub ugu jiro sidii uu JSL, u gaadhsiinlaha horumar iyo inuu Ictiraaf uga helo adduunyada.
Dhanka kale waxa uu Jiif Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, uu siweyn u soo dhaweeyay furitaanka safaarada Somaliland ee dalka Kenya, oo uu sheegay in wufuud kala duwani ay ka soo qayb gashay.
Waxaanu yidhi."Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay waxaan jooga madal caalamiya oo Safaararadii Somalialnd lagu daahfurey, bulsho kala duwanina ay ka soo qaybgashay, waxa joogta madaxdii Kenya, aqalkii Senetka, kii baarlamaanka, guddoomiyayaashi gobollada iyo madax kala duwan oo dalkan Kenya ah.
Waxa kale oo goobjoog ka ah weftigaasi balaadhan ee madaxweynaha JSL, hoggaaminayo, waxa aniga si dhaw ii soojiidatay in madaxweynuhu uu sheegay in uu la kulmey dhigiisa dalka Kenya, isla markaasna wixii ay kawada hadleen si fiican isula af-garteen, safaaradii mar haddii la furey madaxweynihiina ay kulmeen wixii ay kawada hadleena uu iinoo sheegay inay isla afgarteen, taasi waxay ku cadeynaysa inaynu u gudubney heer caalami, geeska oo dhana wuu maraya madaxweynuhu.
Madaxweynuhu waxa uu suxul duub ugu jira sidii Somaliland ay horumar u gaadhilahayd dhinackasta ah, ee xidhiidhka caalamka, ka geeska iyo ictiraafka uraadinlaha, anaguna waanu ku kalsoonahay