Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shalay soo saaray 24 wareegto oo uu xilal ugu magacaabay masuuliyiin cusub oo tiro badan kuwaas oo ka mid noqon doona xukuumaddiisa. Sidoo kalena waxa xilalkii laga qaaday masuuliyiintii hore u yahay xilalkaas.
Wareegtooyinkan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro soo saaray shalay oo ay taariikhdu ahayd 17.06.2025, nuxurkooduna ahaa magacaabid, ayaa madaxweynuhu ku magacaabay masuuliyiinta inta badan hay’addaha madaxa bannaan ee dawladda Somaliland oo aan hore madxweynuhu magacaabistooda u soo saarin.
Wareegtooyinkan oo uu warbaahinta u akhriyay afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige Dery, ayaa lagu yidhi "Waxaan go’aamiyay in laga bilaabo maanta Saleebaan Maygaag Obsiiye Cali uu ahaado Agaasimaha guud ee hay’adda hawlgabka iyo Xaqsiinta qaranka ee Shaqaalaha Dawlada Somaliland. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu go’aamiyay in gudida sare ee maamulka Hay,ada hawlgabka xaqsiinta qaranka Shaqaalaha dawlada ay ka koobnaadaan.
Xubnaha hoos ku xusan.
Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada.
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarintanta Dhaqaalaha.
Wasiirka Wasaarada Qordhaynta iyo Horumarinta qaranka.
Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta
Guddoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha dawladda.
gaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa loo magacaabay Axmed Wali Daahir Xaddi halka Dr. Cabdiraxmaan Cabdisamad Cayngal loo magacaabay ku xigeenka agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxa uu go;aamiyay in Garyaqaan Cali Baashe Maxamed Faarax uu ahaado garyaqaanka guud ee Xukuumadda Somaliland, sidoo kalena Garyaqaan Mubaarak Maxamuud Cabdi Falaag uu ahaado ku xigeenka Garyaqaanka guud ee Xukuumadda Somaliland.
Sidoo kale Dr. Sakariye Cabdibade Diiriye ayaa loo magacaabay Agaasimaha guud ee Koomishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland, Kamaal Axmed Cali Marjaan ayaa isagana loo magacaabay la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Istaraatijiyadda isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka dadweynaha, halka madaxweynuhu go’aamiyay in Dr. Cabdisamad Cumar Maal uu ka mid ahaado la taliyayaasha sharciga ee Madaxeeynaha Somaliland.
Sidoo kale wareegtooyinka madaxweynaha Somaliland waxa lagu yidhi "Waxa aan go’aamiyay in Aamina Axmed Furre Siciid ay ahaato xubin ka mida gudida hay’adda shaqaalaha dawladda. Khadar Cali Caarshe uu ahaado Maareeye ku xigeenka hay’adda horumarinta Wadooyinka.
In Cabdibaasid Maxamed Gaani uu ahaado guddoomiye ku xigeenka Gobalka Buuhoodle.
Waxaan go’aamiyay in Axmed Xirsi Ducaale uu ahaado guddoomiyaha Hay’adda Caymiska qaranka Somaliland. Cabdirashiid Saleebaan Axmed uu ahaado guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Caymiska qaranka Somaliland.
Cabdisalaan Maxamed Maxamuud Busi uu ahaado agaasimaha guud ee Hay’adda Caymiska qaranka Somaliland.”
Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu magacaabay masuuliyiinta iyo xubnaha guddidas hay’adda dhawrista tayada Somaliland, waxaana lagu yidhi wareegtada lagu magacaabay "Waxaan go’aamiyay in Maxamed Kayse Axmed Muxumed uu ahaado Guddoomiyaha gudida dhawrista tayada. In Dr. Maxamuud Jaamac Cali uu ahaado guddoomiye ku xigeenka gudida dhawrista tayada Somaliland.
In Dr.Aniisa Axmed Cabdi guray ahaato xubin ka mida gudida dhawrista tayada Somaliland. In Cabdirashiid Maxamed Xuseen Jaamac uu haado xubin ka mida gudida dhawrista tayada Somaliland. In Xasan Yuusuf Muxumed Samatar uu ahaado xubin ka mida xubin ka mida gudida dhawrista tayada Somaliland. In Siciid Cabdi Xasan Cirmadaw uu ahaado xubin ka mida gudida dhawrista tayada Somaliland. In Axmed Cali Ismaaciil uu ahaado agaasimaha guud ee gudida dhawrista tayada Somaliland.”
Madaxweynuhu waxa kale oo uu magacaabay masuuliyiinta iyo xubnaha gudida tacliinta sare ee Somaliland, waxaana lagu yidhi wareegtada "Waxa aan go’aamiyay in Prof. Xasan Cumar Halas Khayr-doon uu ahaado guddoomiyaha gudida tacliinta sarre ee Somaliland. Saleebaan Aadan Maxamed uu ahaado guddoomiye ku xigeenka gudida tacliinta sarre ee Somaliland.
Jaamac Maxamed Cabdi Falaash uu ahaado xubin ka mida gudida tacliinta sarre ee Somaliland. Maxamuud Ibraahim Cismaan Shamsudiin uu ahaado xubin ka mida gudida tacliinta sarre ee Somaliland. Cabdirisaaq Maxamed Axmed uu ahaado xubin ka mida gudida tacliinta sare ee Somaliland.
Aftax Siciid Jaambiir uu ahaado xubin ka mida gudida tacliinta sarre ee Somaliland. Haybe Cismaan Muuse uu ahaado xubin ka mida gudida tacliinta srre ee Somaliland. Cabdiraxmaan Ibraahiim Aadan abees uu ahaado Mareeyaha Wakaalada Madbacadda qaranka.”
Wareegtooyinka madaxweynaha oo aanu soo koobnay waxa lagu yidhi "Cabdixakiim Muuse Cali uu ahaado Mareeye ku xigeenka Wakaalada Madbacadda qaranka. in Cabdoo Axmed Aayar uu ahaado guddoomiyaha gudida Qandaraasyadda qaranka. Ibraahim Ducaale Xasan Cawke uu ahaado guddoomiye ku xigeenka gudida qaranka Qandaraasyadda. Yuusuf Sheekh Axmed Weerar uu ahaado xubin ka mida gudida Qandaraasyadda qaranka.
Nadra Xasan Cali qaafil ay ahaato xubin ka mida gudida Qandaraasyadda qaranka. Cabdi Yuusuf Daahir Xirsi uu ahaado xubin ka mida gudida Qandaraasyadda qaranka Muumin Gadiid Cumar uu ahaado xubin ka mida gudida Qandaraasyadda qaranka.
Mubaarak Cabdi Xasan Buuni uu ahaado xubin ka mida gudida Qandaraasyadda qaranka. Cabdirashiid Siciid Cindi uu ahaado xubin ka mida gudida Qandaraasyadda qaranka. Mustafe Maxamed Yoonis uu ahaado xubin ka mida gudida Qandaraasyadda qaranka.
Cabdiraxmaan Aadan Cilmi Boodhle uu ahaado agaasimaha guud ee gudida Qandaraasyadda qaranka. Muuse Yuusuf Cismaan uu ahaado Hantidhawraha guud ee qaranka Somaliland. Bashiir Maxamed Cumar Xayd uu ahaado guddoomiye ku xigeenka Hantidhawraha guud ee qaranka.
Cabdi Daahir Cilmi bulaale uu ahaado guddoomiyaha gudida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland. Dr. Cabdiraxmaqn Xasan Ismaaciil uu ahaado guddoomiye ku xigeenka gudida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland.
Dr. Maxamuud Cabdi Muxumed uu ahaado agaasimaha Koomishanka Xakamaynta Aids Somaliland Xamdi Daahir Afqarshe ay ahaato agaasimaha maamulka iyo lacagta Koomishanka Xakamaynta Aids Somaliland.
Ismaaciil Cabdilaahi Cilmi uu ahaado agaasimaha tababarada iyo horumarinta hawlwadeenada Koomishanka Xakamaynta Aids Somaliland. Barkhad Maxamuud Geedi uu ahaado Agaasimaha Wacyigalinta Koomishanka Xakamaynta Aids Somaliland.
Dr .Khadar Nuur Good uu ahaado Agaasimaha dawanta iyo daryeelka ee Koomishanka Xakamaynta Aids Somaliland. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood uu ahaado Guddoomiyaha Hay,adda u diyaargarawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka. Cabdiraxmaan Maxamuud Xandule uu ahaado guddoomiye ku xigeenka Hay,adda u diyaargarawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka. Dr. Aadan Axmed Daahir uu ahaado xubin ka mida Koomishanka Maamul Wanaaga.
Madar Siciid Xasan uu ahaado xubin ka mida Koomishanka Maamul Wanaaga. Cabdiwahaab Faarax Nuur uu ahaado uu ahaado xubin ka mida Koomishanka Maamul Wanaaga. Jaamac Aadan Maxamed uu ahaado uu ahaado xubin ka mida Koomishanka Maamul Wanaaga.
Cabdiqani Axmed Cali Muuse uu ahaado xubin ka mida Koomishanka Maamul Wanaaga. Deeqa Xaashi Xandule ay ahaato Agaasimaha Koomishanka Maamul Wanaaga.”
Masuuliyiinta kale ee la magacaabay waxaa ka mid ah "Cali Ismaaciil Ibraahin, agaasimaha fulinta ee machadka cilmi-baadhista beeraha Jsl. Khaalid Maxamuud Jaamac ku xigeenka agaasimaha fulinta ee maxadka cilmi baadhista beeraha, sidoo kale waxa la magacaabay xubnaha guddida machadka cilmi baadhista beeraha oo ka kooban, Wasiirka wasaaradda Beeraha oo ah guddoomiye, agaasimaha waaxda cilmibaadhista ee beeraha, xubin, hormoodka kulliyada beeraha ee jaamacadda Hargeyska oo isagana xubin loo magacaabay, sidoo kale hormoodka kulliyada beeraha ee Jaamacadda cammuuud xubin, horkoomka kulliyada beeraha ee Burco oo isagana loo magacaabay xubin.
Sidoo kale waxa la magacaabay Maxamuud Siciid Cadaad ayaa loo magacaabay agaasimaha fulinta ee machadka shaqaalaha dawladda Somaliland. Dhinaca kale Cabdiqaadir Ismaaciil Axmed Jaylaani ayaa isagana loo magacaabay agaasimaha fulinta ee sanduuqa dhalinyarada Somailand. Xasan Muuse Khaliif Geelle waxa loo magacaabay xisaabiyaha guud ee qaranka,
Sdoo kale Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuuser ayaa loo magacaabay wakiilka Jamhuuriyadda Somalilnad ee dalka Jabuuti, sidoo kale Cabdillaahi Maxamed Cumar ayaa isagana loo magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenaya. Siciid Xasan Biixi waxa loo magacaabay wakiilkka Somaliland ee UK, Maxamed Xasan Wacays Rooble ayaa isagana loo magacaabay wakiil ku xigeenka Somaliland ee UK.
Cali Diiriye Axmed Nuur ayaa loo magacaabay Maareeyaha guiud ee hay’addaha Dekeddaha Somaliland, Abokor Xaaji Cawil Cumar Cabdille ayaa isagana lloo magacaabay Maareeye ku xigeenka hay’addaha Dekedda Somaliland.”