Safarkii Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee magaalada Nairobi wuxuu ka dhigan yahay dhacdo diblomaasiyadeed oo miisaan culus ku yeelatay siyaasadda Geeska Afrika. Ma aha oo keliya booqasho rasmi ah, balse arrintaasi waxay ahayd imtixaan uu si guul leh uga gudbay dal aan wali si buuxda loo aqoonsan, balse leh aragti cad, hoggaamin miyir leh, iyo istaraatiijiyad diblomaasiyadeed oo heer sare ah.
Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa uu muujiyay sida ay suurtagal u tahay in la xakameeyo xiisadaha siyaasadeed ee kacsan, iyada oo la adeegsanayo dublumaasiyadda xasiloon, xirfad iyo faham qoto dheer oo ku wajahan siyaasadda gobolka. Isaga si farshaxan siyaasadeed leh uga gudbay caqabdo, shirqoolo iyo turunturooyin badan oo ay maleegeen kuwa neceb horumarka iyo jiritaanka Somaliland.
Diblomaasiyad ka Sarreysa Aqoonsi la’aan.
Waa run in Somaliland aanay wali haysanin aqoonsi caalami ah oo buuxa, balse safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro wuxuu noqday mid muujiyay in diblomaasiyaddu ay tahay hannaan ku dhisan qorshe iyo istaraatiijiyad aragti fog leh, wax lagu kasbado, laguna ilaaliyo danaha masiiriga ah. Si gaar ah ayaa loo arkaa guusha Somaliland ka gaadhay arrimaha ay ka midka yihiin:-
Sii shaqeynta xafiiska Safaaradda Somaliland ee Nairobi.
Qaabilaadda sharafta leh ee Madaxweynaha Kenya ku qaabilay dhiggiisa Somaliland.
Jabinta qorshayaashii cadawga Somaliland soo maleegay, iyada oo warbaahinta caalamka qaarkood ay tilmaameen in Beijing iyo Muqdisho ay si walba isugu dayeen joojinta furista xafiiska Somaliland ee Nayroobi, isla markaana ay dhigeen dabino la doonayay in lagu wiiqo sumcadda Somaliland.
Tallaabada dublumaasiyadeed ee Madaxweynaha Somaliland u qaaday sida geesinimada leh, waa guul ay si cad uga muuqato aqoonsiga dadban ee Somaliland, (de facto recognition), taasoo in badan oo ka mid ah dalalka dunida ay kula macaamilaan Somailand.
Shiinaha, Taiwan, iyo Cabsida Istaraatiijiga ah
Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ayaa si toos ah u taabanaya danaha Shiinaha. Hase yeeshee, halkii Somaliland laga hor istaagi lahaa xidhiidhkaas, waxay ka dhigtay fursad xeeladaysan oo lagu xoojiyo sumcaddaheeda caalami ah. Tani waxay muujinaysaa sida dal yar uu ugu adeegsan karo xaalado caalami ah si uu u horumariyo danihiisa qaran.
Waxa muuqata in Somaliland ay u diyaarsan tahay inay beesha caalamka tusto mas’uuliyad, dulqaad, iyo aragti siyaasadeed oo fog. Tani waa farriin si toos ah ugu socota waddamada Afrika iyo kuwa reer galbeedkaba: Somaliland waa mid ku habboon inay noqoto dal xor ah, xasilloon, mas’uul ah oo u qalma in lala macaamilo.
Dhabbe Cusub oo loo Marayo Aqoonsiga
Warbaahita caalamka ee wax ka qortay dhacdadan ayaa intooda badani aaminsan yihiin in safarka Madaxweyne Cirro aanu ahayn oo keliya socdaal diblomaasiyadeed; balse uu yahay bilow cusub oo dib u qeexaya siyaasadda Somaliland ee arrimaha dibadda. Taas oo laga dhadhansan karo ifafaale hor leh oo muujinaya aqoonsiga Somaliland oo la gaadhay wakhtigiisi.
Gunaanad:-
Sidaa darteed xarunta dalka Kenya ee Nairobi waxa ay martigelisay dhacdo ku cusub geeska Arika, taas oo ahayd imtixaan iyo farriin cad oo ay Nairobi u dirtay wadddamada gobolka iyo caalamka, arrintaas oo guul weyn u ahayd Somaliland, isla markaana Madaxweyne Cirro kaga guulaystay kuwa neceb qarannimada Samaliland diblomaasiyad xirfadaysan.
"Somaliland waxay Nairobi ku muujisay in diblomaasiyaddu ay tahay wax la dhiso iyo abuurtista fursadaha istaraatijiga ah, isla markaaana ay tahay awood iyo hub laga faa’iidaysto, xitaa marka aad tahay dal wali sugaya garwaaqsi caalami ah.”