Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfurta Kuuriya Mr Lii Jay ayaa maanta loo dhaariyay madaxtinada dalkaasi shanta sanadood ee soo socota ka dib markii uu ku guuleystay boqolkiiba kontan wax ka badan codadkii ay dhiibteen dadweynaha dalkaasi.
Mr Lii Jay oo khudbad gaaban ka jeediyay goobtii lagu dhaarinayay oo ku taala caasimada dalkaasi ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono midnimada dadka koonfurta kuuriya iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalkaasi ,isagoo geesta kale dhaleecayn usoo jeediyay madaxweynihii ka horeeyay ee xilka laga tuuray isagoo ku eedeeyay in uu ku talaabsaday sharci ka hor imanaya dimoquraadiyada dalka.
Madaxweynaha cusub ee dalka koonfurta kuuriya ayaa codbixintii dalkaasi ka qabsoontay ka helay codad aqlabiyad ah oo lagu qiyaasay 22 milyan oo u dhiganta in ka badan boqolkiiba kontan codadka la dhiibtay , halka ay ku guul-daraysteen afartii musharax ee la tartamayay inkastoo ay ku hambalyeeyeen guusha uu gaadhay.