War cusub oo ka soo kordhay nidaamkii Dhoofka "Group 5" ee Kanada

Thursday June 05, 2025 - 12:40:13
hadhwanaagnews
Sidoo kale, waxaa laga yaabaa inuu mamnuuco in qof degganaa



Dawladda Kanada ayaa soo jeedisay sharci cusub oo xaddidaya qaybo ka mid ah hannaanka sheegashada magan-gelyada isla markaana siinaya Hay'adaha dawladdu awood dheeraad ah oo ay ku joojin karaan hab-socodka codsiyada soo galootiga.

Wasiirka socdaalka ee Kanada, Lena Diab, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee la yiraahdo Strong Borders Act (Sharciga Xuduudaha Adag) uu ujeeddadiisu tahay in lagu xakameeyo dambiyada abaabulan iyo qulqulka daroogada iyo hubka sharci darrada ah, iyadoo sidoo kale la xoojinayo "daahfurnaanta iyo hufnaanta" nidaamka socdaalka ee dalkaas.

Sharcigani waxa uu bixinayaa awood dheeraad ah oo ay boolisku ku kormeeri karaan xuduudda Kanada la wadaagto Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa laga yaabaa inuu mamnuuco in qof degganaa Kanada in ka badan hal sano uu dalbado magangelyo, laakiin dhaleeceeyayaashu waxay sheegeen in sharcigan, oo oggolaanaya in la ballaadhiyo awoodda dowladda ee baadhitaanka taasoo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta.

Garyaqaan Maxamed Doolli oo deggan dalka Kanada ayaa BBC-da u sheegay in uu sharcigani saamayn doono Soomaalida raadinaysa nidaamka loo yaqaanno "Group 5" kaasi oo la joojiyay ilaa laga gaadhayo bisha December.

     
Loading...