Wasiirka Caafimaadka oo Amray Cisbitaalada Gaarka loo Leeyahay Dawaynta Ciidanka Qaranka

Monday March 17, 2025 - 13:31:45
hadhwanaagnews
Waxay wareegtadani tilmaamaysaa in:



Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Bashir Xirsi,ayaa faray cisbitaalada iyo xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay in ay si lacag la,aan ah ku daweeyaan askarta ciidanka qaranka ee ku soo dhaawacma difaaca qaranka.

 

Waxaa kale oo uu wasiirka caafimaadku u uku war geliyay, dhakhaatiirta takhasuska ah (specialty doctors) haddii loo baahdo in ay ka hawl galaan cisbitaalada gaarka loo leeyahay.

 

Waxaa kale oo uu wasiirku intaa ku daray oo uu faray cisbitaalada gaarka loo leeyayay in ay dhawraan oo ay xafidaan xogta iyo sirta askarta soo dhaawacanta ee ay dawaynayaan.

 

Wareegto ka soo baxday wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo u uku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka,oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska Dawan,ayaa u dhignayd sidan.

 

 

"Hab-la-dhaqanka ciidanka qaranka iyo Cusbitaallada Gaarka loo leeyahay.”

 

 

Waxay wareegtadani tilmaamaysaa in:

 

 

Dhammaan cusbitaallada iyo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ay si bilaash ah u adeegaan askarta dhaawacan ee yimaada xarumahooda, iyagoo soo dhawayn iyo daryeel caafimaad siiya.

 

 

Dhakhaatiirta khaaska ah (specialty doctors) ay ka hawlgalaan cusbitaallada gaarka loo leeyahay haddii loo baahdo xaalad degdeg ah.

Cusbitaallada iyo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ay dhawrtaan xogta askarta dhaawacan, ayna wadaagaan kaliya hay’adaha shaqada leh.

Haddii culays ka jiro cusbitaallada gaarka loo leeyahay, waa in wixii suurogal ah loo xidhidhiyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.”

     
Loading...