DEG DEG Seylici Oo M/Erdoğan Ugu Baaqay Inuu Dhex-dhexaad ka Noqdo Arimaha Somaliya Iyo Somaliland

Friday September 06, 2024 - 11:50:29
hadhwanaagtv
"Madaxweynaha Turkiga Rejab Dayib Erdoğan marar badan


Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dalka Turkiga ugu baaqay inuu dhex ka ahaado arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.

"Madaxweynaha Turkiga Rejab Dayib Erdoğan marar badan waxaanu ku boorinay inuu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya.markii uu xukunka qabtay Erdoğan waxaanu ku tilmaamnay inuu yahay Ataaturki oo kale," ayuu yidhi Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo farriin qoraal ah ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Md. Cabdiraxmaan Saylici wuxuu u sheegay Turkigu ogaadaan in Somaliland ay qaadatay xornimadeeda 1960-Kii isla markaana aanay Somaliland abuurin xudduudaha Afrika ee soo jireenka ah.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu ugu baaqay Turkiga inuu dhexdhexaad ka ahaado arrumaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
     
Loading...