Doorashadu Way Inoo Dhacaysaa oo si wanaagsan Ayay Inoogu Dhacaysaa" Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Saturday August 17, 2024 - 11:20:45
Hadhwanaag
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay..



Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Doorashooyinka la filayo inay dalka dhacaan dabayaaqada sanadkan ay si wanaagsan u qabsoomayaan oo nabadgelyo leh, waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa carqalad kasta oo ku timaada Doorashooyinka.


 

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somailand oo ka mid ah weftiga Madaxwaynaha Somaliland ee safarka ku maraya gobolada Bariga Somaliland ayaa bulshada Oodwayne oo uu la hadlayay u sheegay inay qabsoomayaan doorashooyinkii sanadkan waxaanu yidhi


 

"Doorshadii Insha ALLAH way inoo dhacaysaa, si wanaagsana oo qurux badan oo waafaqsan xeerarkeenan way inoogu dhacaysa, natiijaduna waxa ay noqon doontaa mid aan muranba lahayn”.


 

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in loo baahan yahay inay ilaaliyaan dooashada iyo qabsoomideeda afar qolo oo ay ka dhaxayso oo uu tilmaamay inay yihiin kuwa bud-dhiga u ah qabsoomida doorashooyinka waxaanu yidhi


 

"Doorasho inay si qurux badan inoogu dhacdaa waxay ka dhaxaysaa afar qolo, qolada ugu horaysaa waa dawladda waxa laga rabaa dhaqaalaha iyo nabada lagu galayo doorashada labaduba waa ka diyaar, cidda kale ee xil ka saaran yahay doorashada waa Komishanka qaban qaabada doorashada iyo maamulka doorashada iyo natiijada doorashada koomishanka ayaa iska leh iyagan kalsooni wayn ayaynu ku qabnaa inay ka soo baxayaan xilkooda, qolada sadexdaana waa Axsaabta, iyaga laftoodana masuuliyad ayaa ka saaran in shicibka iyo taageerayaashu ay u hogaansamaan sharciga iyo nidaamka doorashooyinka sida ay shuruucdu dhigayaan, cidda u danbaysaa waa shacabka hadii aanu shacabku taagersanayn oo aanu kaalmaynin oo is garab taagin sadexdaa horeba doorashada warab baa inaga galaaya, waana waanu ku kalsoon nahay”.

     
Loading...