Bulsha Reer Somaliland: Runtu waa Dawadeena

Thursday June 05, 2025 - 12:57:05
hadhwanaagnews
Labada aragtoyood ee ay kala aaminsan yihiin labada dhinac



Guud ahaan dunida aynu ku noolnahayay waxay isku dhaaftay oo ay dalalka caalamku ku kala tageen sida ay dadkiisu u aaminaan, isla markaana ay uga shaqeeyaan horumarkiisa. Bulsho kasta oo dalkooda aaminta, isla markaana u kacda horumarkiisa iyo waxqadkisa waxay noqotaa umad caalamka ka tilmaaman oo waxqabsatay, isla markaana dalkooda lagu hirto oo la tilmaansado.

 

Haddaba bulshada Somaliland haddaynu nahay waxaa muuqata in aynu taa cakiskeeda aynu nahay oo ay isku xidhan tahay hadba rabitaankeena iyo jacaylka dalkeenu, oo haddii qofka muwaadinka ah rabitaankiisa iyo jacaylkiisu uu jiro dhanka Mucaaridka waxaa la odhan karaa wuxuu qofkaasi jecelyahay in waxkastaa ka xumaadaan dhanka Xukuumadda oo ay ku fashilanto tallaabo kasta oo ay qaado,halka haddii uu dhanka muxaafidka taageersan yahayna u jecel yahay in waxkasta oo xukuumaddu samayso uu u arko guul isla markaana tallaabooyinka ucaaridka uu u arko qaran dumis.

 

Labada aragtoyood ee ay kala aaminsan yihiin labada dhinac ba waxaa la odhan karaa waa fikrado ku dhisan rabitaan laakiin aana ahayn kuwo qaran dhis ah.

 

Haddaba bulsho Somaliland ugu horrayn runtu waa dawadeena mucaarid iyo muxaafidba waxa keliya ee aynu hanti haysanaa waa qarannimada Somaliland oo ah mid aynu wada leenahay una baahan wada ilaashigeeda iyo u wada shaqaynteena.

 

Wuxuu qof kasta oo muwaadin ah xil ka saaranyahay Somaliland horumarkeeda iyo waageeda wuxuu ka qaban karo in uu ka qabto waxaa uu xil ka saaran yahay difaaceeda iyo naf u huristeeda waxaa uu xil ka saaran yahay waxkasta oo Somaliland qarannimadeeda lid ku ah in u ka hor tago oo uu ogaado cadawga Somaliland in uu isaga ku soo maqan yahay loona baahan yahay in uu diyaar u ahaado iska difaaciisa.

 

Qodobka labaad ee inoo wada yaalla waxaa uu yahay mucaarid iyo muxaafid iyadoo aan loo kala fadhiyin ama aan bulshada loo kala qaybin in qaran halgan ugu jira ka midho dhalinta qadiyadiisa in meel looga soo wada jeedo himilada halganka loogu jiro.

 

Haddii umadeenuna Facebook isugu fadhido oo aanay garanayn cid kala qaybisay iska markaana ay u adeegaan cadawga Somaliland iyagoo aan is ogayn saw ayaan darro iyo war la,aan col ku noqda maaha?

 

Bulsho yahay Somaliland waxaynu nahay qoys keliya oo wadaaga qaran keliya oo isku naf ah Somaliland oo horumrtaa ah horuamrkeena iyo wanaageena waxa ayny wada leenahay ee inaga dhexeeyaa waa Qarannimada hadaynu wanaajino waxaynu hagaajinay hantidii aynu wada lahayn haddii midkeena waxyeelaynaya aynu ka qabano oo dareen siino in waxany hanti leenahay ay tahay oo u baahan daryeelkeeda isla markaana aynu dareen siino sida uu wax u wadaa in ay qaldan tahay waxaa hubanti ah in uu isna inala dareen noqonayo oo uu dhanka wanaagsan inoola wadayo.

 

Balse hadii aynu ku qaylino oo kala xigtaysano qarannimada oo isna dhan u boodo saw maynaan fulin mid ka mid ah weerarkii aamusnaa ee cadawga Somaliland inagu kala ugaadhsanayay.

 

Bulsho yahay Somaliland iska ogow cadawga qarankaagu in uu manta soo galay baraha bulshada oo uu kuu dex joogo Facebook iyo kuwa kaleba isla markaana ka shaqaynayo isku dhufasahda dadkaaga iyo kala qaybinta bulshadaada.

     
Loading...