Diyaarad Japan laga leeyahay oo ka soo duushay Tokyo kuna sii jeeday Texas, USA ayaa si degdeg ah u degtay ka dib markii qof rakaab ah uu isku dayay inuu furo mid ka mid ah albaabadeeda intii ay duuleysay.
All Nippon Airways (ANA) oo Duulimaadkeedu ahaa 114 ayaa loo weeciyay Seattle oo USA ah saacado ka dib markii ay kacday Sabtidii "sababta oo ah rakaab ayaan xasilloonayn”, ayay tidhi shirkaddu.
Booliiska Seattle ayaa warbaahinta u sheegay in lagu wargaliyay nin "isku dayay in uu furo albaabada laga baxo intii uu diyaaradda hawada ku jiray”.
Ninkan oo aan la aqoonsan, ayey haysatay xaalad caafimaad darro waxaana xoog ku xakamaynayey rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda, booliiska ayaa sidaa sheegay.
Markii dambe waxaa loo qaaday isbitaal. Ma cadda in uu waajihi doono wax dacwad ah.
"Badbaadada rakaabkayaga iyo shaqaalaheenna ayaa ah mudnaantayada ugu sarreysa, waxaana ku bogaadinaynaa dadaalka sharci fulinta,” ANA ayaa ku tidhi hadal ay soo saartay.
Intii ay diyaaraddu ku sugnayd laamiga garoonka caalamiga ah ee Seattle-Tacoma, qof labaad ayaa laga saaray duulimaadka sababo la xidhiidha "dhaqdhaqaaq aan haboonayn ", mas’uuliyiinta ayaa sheegay.
Tani waa dhacdadii ugu dambaysay ee taxane ah oo dhacdooyin la mid ah.
Bishii Abriil, diyaarad Jetstar ah oo ka soo duushay magaalada Bali ee dalka Indonesia ayaa lagu qasbay inay soo leexato safar ay ku tagtay magaalada Melbourne ee dalka Australia, ka dib markii qof rakaab ah uu isku dayay inuu hawada ka furo albaabka diyaaradda.
Bishii Nofembar ee la soo dhaafay, nin isku dayay inuu furo albaabka diyaaradda intii ay socotay duulimaadka diyaaradda American Airlines ayaa la xakameeyay oo ay xidheen rakaabkii la socday.
Bishii Nofembar 2023, sagaal rakaab ah oo ka mid ah rakaabka diyaaradda Asiana Airlines ayaa loo diray cisbitaalka oo ay ku adkaatay neefsashada ka dib markii nin si guul leh u furay albaabka diyaaradda ka hor inta aysan ku degin madaarka Kuuriyada Koonfureed.