Harris iyo Tim Walz oo si Wada Jir ah u Sameeyay Ololahoodii Doorashada ugu Horreeyay

Thursday August 08, 2024 - 07:35:52
Hadhwanaagtv
Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa kumanaan taageereyaal ...



Murrashaxa madaxweynaha Maraykanka Kamala Harris ayaa Tim Walz u soo xulatay ku xigeenkeeda doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalka Mareykanka ay ka dhacdo bisha November ee sannadkan


 

Kamala Harris iyo Tim Walz ayaa Salaasadii todobaadkan markii ugu horraysay si wada jir ah u sameeyay ololahoodii ugu horreeyay ee tartanka doorashada Maraykanka, waxaanay hadallo ka jeediyeen munaasibad ballaadhan oo ka dhacday magaalada Philadelphia ee dalka Maraykanka.


 

Tim Walz ayaa xusay inuu ka soo jeedo qoys reer miyi ah, waxaanu sheegay in Donald Trump uu Mareykanka ku sameyn doono "dib u dhac”. Waxa uu hadalkan ka sheegay ololihii ugu horreeyay ee ay si wadajir ah u sameeyaan isaga iyo musharaxa madaxweynaha Mareykanka Kamala Harris oo u soo xulatay inuu musharrax madaxwene ku xigeen u noqdo.


 

Munaasabaddii ka dhacday Philadelphia habeenimadii Talaadada, musharraxa cusub ee xisbiga u matalaya madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in murashaxiinta la loolamaya ee xisbiga Jamhuuriga doorashadii November ay yihiin "kuwo daciif ah”.


 

Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa kumanaan taageereyaal ah hortooda ka hadlay saacado uun ka dib markii lagu dhawaaqay in ay Ms Harris u dooratay doorkaas. Timothy James Walz waxa uu dhashay 6 April sannakii 1964, waana siyaasi muddo dheer siyaasadda ku soo jiray. Walz ayaa waxaa uu hore u ahaan jiray macalin iskuul ka hor intii aanu howlgab ka noqon.


 

Waxaa uu sanaddii 2018 noqday badhasaabkii 41-aad ee gobolka Minnesota.

 

Waxa uu sidoo kale mar ahaa xubin ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka 2007 ilaa 2019, isagoo matalayey degmada 1aad ee congress-ka Minnesota.

 

Maxaan ka naqaanaa siyaasadihiisa


 

Muddadii 12ka sano ahayd oo uu ku jiray Congress-ka, way adkeyd in lagu calaamadiyo fikradiisa uu ka qabo arrimihii markaas caalamka ka taagnaa.


 

Waxa uu u codeeyay sharciga daryeelka dadwaynaha, oo ahaa tallaabooyinka uu ugu hiilinayo shaqada iyo shaqaalaha iyo sare u qaadidda mushaaraadka.

 

Waxaa sidoo kale uu marar badan la saftay xisbiga Jamhuuriga iyo siyaasadihii ay dalka ku xukumayeen intii ay xilka hayeen.


 

Waxa uu u codeeyay in la sii wado maalgelinta dagaaladda Ciraaq iyo Afgaanistaan, waxa uu taageeray in si adag loo baaro qaxootiga soo galaya Maraykanka, waxa uuna isku dayay in uu joojiyo dammaanad qaadistii Obama ee bangiyada iyo shirkadaha baabuurta ka dib dhaqaale burburkii caalamka ku dhuftay 2008-dii.


 

Waxaa uu sidoo kale mar uu taageero ka helay ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha ka ganacsada hubka ee (NRA), kuwaasi oo lacag ugu deeqay xilligii uu ku jiray ololihiisa doorashada, balse waxa uu ka hadlay mamnuucidda hubka ka dib toogashadii ka dhacday dugsiga Parkland markaasi oo uu taageeradooda lumiyay.


 

Mr Walz ayaa ku guuleystey tartankii badhasaabka gobolka Minnesota 2018 in ka badan 11 dhibcood, balse markiisii ​​ugu horeysay waxaa uu xukunkiisa la kowsaday cudurka safmarka ah ee Covid iyo dilkii uu askari boolis ah u geystay George Floyd oo ka dhacay Minneapolis.


 

Ma aha nin si wayn looga yaqaano masraxa siyaasadda heer qaran ee dalka Mareykanka.

 

Balse ololihii ugu dambeeyay ee xisbiga Dimuqraadiga ay sameynayeen ayaa waxaa soo shaac baxday hadaladiisa kulul ee ka dhan ah xisbiga Jamhuriga.


 

Mr Walz aya waxaa hadal hayn badan uu ka dhex dhaliyay bulshada toddobaadyadii u dambeeyay ka dib markii uu Jamhuuriyiinta ku sifeeyay erayo la yaab leh.

 

"Kuwani waa dad la yaab leh oo dhinaca kale ah,” ayuu dhawaan u sheegay MSNBC, "Waxay rabaan inay mamnuucaan buugaagta”.

     
Loading...