Waa maxay biyaha Samsamka, maxayse muhiim u yihiin?

Friday June 14, 2024 - 09:32:10
hadhwanaag
Maxay biyaha Samsamka muhiim ugu yihiin Muslimiinta?



Ceelka Zamzam ayaa ku dhex yaalla Masjidka Xaramka ee Makah, Sacuudi Carabiya. Waa masjidka ugu weyn ee dunida ku yaalla waxaana ku hareereysan meesha ugu barakeysan Islaamka, Kacbada. Biyaha ka yimaada ceelka ayay malaayiin Muslimiin ah oo dunida ku sugan u arkaan inay barakeysan yihiin waxayna aaminsan yihiin inay leeyihiin awood wax daaweyn ah.

 

Booqashadiisa waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah Xajka ku dhowaad dhammaan Muslimiinta ayaana gurigooda kula laabta biyaha ceelkan. Biyaha ayaa aalaaba waxaa loo qeybiyaa xubnaha qoyska iyo saaxiibbada, iyadoo la rumeysan yahay inay wax ka taraan khatarta, cudurka, iyo isha. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in biyahan qudhooda ay mucjiso yihiin, sababo la xiriira inaysan marnaba dhammaan.

 

Ilaa labo milyan oo qof ayaa la filaa inay sanad walba yimaadaan Maka iyagoo Xajka gudanaya kana kala yimid daafaha dunida. Si kastaba, waxaa lagu qiyaasaa in tirada dadka ka qeybgalaya Xajka ay aad u badan yihiin, iyadoo dhammaan dadka booqanaya aan la diwaangelin dad badanna ay yihiin kuwa gudaha dalkaas ku nool qaarna ay kusoo safraan badda amaba dhulka iyagoo ka imaanaya dalalka deriska.

 

Maxay biyaha Samsamka muhiim ugu yihiin Muslimiinta?

Biyahan ayaa muhiim u ah Muslimiinta sababtoo ah waxay si qoto dheer ula xiriiraan dhacdooyin taariikhi iyo diini ah. Sheekha Islaamka Imam Bukhari Abdullah Ibn Abbas ayaa isku soo ururiyay ilaa lix qeyb oo xadiith oo loo yaqaanno Saxiix al-Bukhari sanadkii 860. Xadiithku waa kan soo labeeya Qur'aanka oo ah isha ugu weyn ee hagidda diinta.

 

Waxaa la rumeysan yahay in Xadiithku yahay dhaqamadii Nabi Muxamad NNKH, waxyaabihii uu dadka baray intii uu noolaa, sida ay ka soo weriyeen dadkii aadka ugu dhowaa. Sida Islaamku qabo, xadiithku waa wixii uu Nabigu dadka baray iyo dhaqamadiisii intaba.

 

Ceelka Zamzamka ayuu Ilaah sameeyay kumannaan sano kahor si uu uga jawaabo ducada Haajira, xaaskii Nebi Ibraahim mar uu iyada iyo wiilkeeda uu keligood uga tegay saxaraha iyagoo aan heysan cunno iyo biyo. Arrintan ayaa lagu sheegay Suuratu Ibrahim ee Qur'aanka.

 

Saxiixul Bukhaari waxaa ku xusan sheekada Haajara, sida iyadoo biyo aad ugu baahan, ay toddoba jeer ku dhex orodday buuraha Safa iyo Marwa ilaa makrii dambe uu Ilaah u sahlay ceelka biyaha Samsamka.

 

Iyadoo ka baqeysa in qulqulka biyaha ay sababaan inay dhammaadaan, ayaa Haajara la sheegay inay tiri ‘zam zam’ (oo Carabi la micno ah jooji) dhowr jeer, sidaas ayaana ceelka loogu bixiyay magaciisa.

 

Sidee ayay ula xiriiraan Xajka?

Xiriirka taariikheed ee u dhaxeeya biyaha Samsamka iyo Xajka ayaa ah mid xooggan. Muslimiinta, Xajka wuxuu u yahay tiirka shanaad iyo kan ugu dambeeya Islaamka. Waxaa waajibaadka Xajka la gutaa bisha Dul-Xaj, oo ah bisha 12-aad ee taariikhda Islaamka.

 

Sanadkan waxay bisha bilaabatay toddobadka labaad ee June waxayna dhammaan doontaa dhammaadka July. Qof walboo Muslim ah oo qaangaar ah isla markaana jir ahaan iyo dhaqaale ahaan iyo maskax ahanaba awooda, ayaa laga doonayaa inuu guto uuna inta uu nool yahay sanadkii mar tago meel walba uu dunida kaga nool yahayba.

 

Cumradu waa booqasho gaaban, wayna ka acmaal yar tahay Xajka waxaana ka gudan karaa xilli walba oo sanadka ka mid ah.

 

Iyadoo cabidda biyaha Zamzamka aysan qasab ku ahayn gudashada Xajka, waxaa loo arkaa inay tahay Sunno. Xujeyda ayaa biyahan caba kadib marka ay ku wareegtaay Kacbada kahor inta aysan ku lugeyn inta u dhaxeysa buuraha Safa iyo Marwa toddoba jeer.

 

Sidee ayay biyaha Samsamka u gaaraan dalalka kale?

Biyaha Samsamka ayaa waxaa soo qaata Xujeyda booqanaya Makah.

 

Iyadoo dadka booqanaya loo oggol yahay laguna dhiirrigeliyo inay biyaha Samsamka u qaataan guriga, inay u qaataan si ay uga ganacsadaan ayay dowladda Sacuudigu mamnuucday.

 

Iyadoo ay tan jirto, ayaa haddana la sheegay in gudaha UK si sharcidarro ah looga ganacsado biyaha Samsamka. Bishii May 201, baaritaan ay BBC sameysay ayaa lagu ogaaday in tiro badan oo caagag ah oo lagu sheegay biyaha Samsamka lagu iibiyo dukaamada.

 

Dowladda Sacuudiga ayaa aad u ilaalisa tayada biyaha ceelka, waxayna sameysaa howlgallo wax looga qabanayo in laga ganacsado biyaha.


ISHA bbc/somali

     
Loading...