Xukuumada Muuse Biixi Oo Iibisay Xarun Kale Oo Muhiim Ah Bulshada Hargeysa

Saturday June 29, 2024 - 19:10:39
Xukuumada Muuse Biixi Oo Iibisay Xarun Kale Oo Muhiim Ah Bulshada Hargeysa


No description available.


Wasiirka caafimaadka Xasan Gaafaadhi ayaa amar ku bixiyey in si degdeg ah loo raro maamulka iyo shaqaalaha ka hawl gala xanaanada dhexe ee magaalada Hargeysa.

Wararku waxay xaqiijiyeen in wasiir Xasan Gaafaadhi uu maanta tagay xanaanada dhexe ee badhtamaha suuqa Hargeysa, waxaanu ku wargeliyey maamulka xaruntaas inay si degdeg ah u guuraan oo ay soo raadsadaan guri loo kireeyo oo ay ku sii shaqeeyaan inta loo helayo xarun rasmi ah.

Xukuumada Muuse Biixi oo gacan kulul ku wada xaraashka hantida dawlada ayaa xanaanada dhexe ee hooyada iyo dhalaanka safka hore kaga dartay goobihii gu danbeeyey ee ay xaraashtay, taas oo laga iibiyey ganacsato ay ku jirto shirkada Telesom.


     
Loading...