Madaxtooyada Oo War Ka Soo Saartay Kulan Muuse Biixi La Yeeshay Beesha Ciise.

Sunday June 30, 2024 - 17:53:12
Hadhwanaag
"Waxa kulankaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo…"

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayaan Masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisa  ayaa maanta kulan la qaatay cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada Gobollada Awdal iyo Salal.


Waxa kulankaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud iyo difaaca Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya.


Madaxdhaqameedka iyo aqoonyahanka gobollada Awdal iyo Salal, ayaa madaxweynaha hortiisa ka caddeeyey inay weligoodba ahaayeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, imikana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin si buuxdana u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha.


Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.

 

Maxamed Cilmi Xasan

Agaasime ku-xigeenka Warbaahinta Madaxtooyada JSL

     
Loading...