Maxay La Kulmi Karaan Soomaalidii Deyrka Ka Booday Haddii Trump Ku Soo Noqdo Xukunka Maraykanka?

Friday June 28, 2024 - 07:59:43
Maxay La Kulmi Karaan Soomaalidii Deyrka Ka Booday Haddii Trump Ku Soo Noqdo Xukunka Maraykanka?
Doorashada Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo mar kale u sharaxan inuu ku soo laabto kursiga ayaa soo laabashadiisa ay walaac badan ku haysaa soo galooti badan oo ay ku jiraan Soomaalida darbiga ka boodday iyo kuwa hadda ku wajahan.

In ka badan 6.3 Milyan oo qof oo muhaajiriin sharci daro ah oo ka gudbay xadka ayaa la xiray muddada uu xilka hayo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Bishii 12aad ee sanadkii aynu soo dhaafnay 2023 ayaa jabisay rikoorkii Billaha ahaa ee ugu badnaa, dadka ka gudbaya xadka ee ay la kulmaan ciidamada ilaalada xuduudaha, taasi oo gaartay 250,000 qof.

Sanadkii 2000 oo ay ka soo wareegtay 24 sano ayay tiradaasu gaartay 220,000 qof

Trump ayaa ku eedeeyay Biden qulqulka soo galootiga sharci darada, waxaana uu balan qaaday Maalinta ugu horaysa ee uu xilka qabto inuu albaabada u laabayo xadka, sidoo kalana uu Maraykanka ka masaafurinayo Malaayiin sharci daro ku jooga.

Soomaalida ayaa kamid ah dadka uu sida gaarka ah ugu bartilmaameed sanayo soo galitaankooda Maraykanka, isaga oo dib u soo celinaya amarkiisii 2017 ee xayiraada safarka dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

Qorshaha Trump ee Saameynaya Soomaalida

Madaxweynihii 45aad ee Maraykanka Donald J. Trump ayaa mar kale si gaar u beegsanaya Muwaadiniinta dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

Xayiraada dhanka safarka ayaa khudbad uu jeediyay bartimihii Oktoobar 2023, uu mar kale ku xusay qorshihiisa inay ku jirto Soomaaliya.

Liiskiisa cusub ee xayiraada safarka waxaa ku jira dadka ka imaanaya Marinka Qaza, Liibiya, Soomaaliya, Suuriya, Yemen iyo dalalkii kale ee uu u arko inay khatar ku yihiin Ammaanka Maraykanka.

Walwalka Soomaalida ee soo laabashada Trump

Cabdiqani Cabdi Gaas waxaa uu bishii June, 2023 u tahriibay Maraykanka, laakiinse waxaa laga soo celiyay dalka Brazil, iyada oo dib loogu celiyay Itoobiya oo ah halkii uu ka bilowday safarkiisa.

Waxaa uu mar kale qorshaynayaa inuu u tahriibo Maraykanka, waxaase cabsidiisa ugu weyn markan ay tahay in doorashada November, 2024 ee ka dhacaysa dalkaasi uu ku soo baxo Donald Trump.

"Mar labaad in aan laabto ayaan qorsheynayaa, laakiin haddii Trump soo laabto qorshuhu waa baaba’ayaa” ayuu yiri Cabdiqani.

Safarkiisii hore oo qabyo ka ahaa, markan kama baqdi qabo dhanka kharashka safarka, waxaase walwal ku hayo inuu guulaysto musharaxa ugu cadcad xisbiga Jamhuuriga.

"Walaal, Trump haddii uu soo galo,xabsi iyo tarxiil u diyaar garow, sharcina ma heleysid. Sababtu waxa ay tahay ninkan soo galootiga oo dhan waa neceb yahay” ayuu yiri Cabdiqani Cabdi Gaas.

Sababaha aanu Donald Trump u jeclayn Soomaalida ayuu Gaas aaminsan yahay in ay tahay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo uu ugu soo gambanayo Soomaalida.

Qareen Amiin Haaruun oo fadhigiisu yahay Minneapolis khibrad dhanka sharciga ahna u leh arimaha socdaalka ayaa sheegay in uusan Trump, Soomaalida sharciga leh wax saamayn ah ku yeelanayn, laakiin kuwa hadda soo socda iyo kuwa aan sharciga lahayn uu bartilmaameedsan karo.

"Xukuumadii cusub ee timaadaa, waxa ay la imaanaysaa siyaasadaheeda, marka siyaasada Donald Trump ee ku aadan arimaha soo galootiga iyo qaxootiga waa caddahay, horayna waan u sheegay haddana waan sheegaa, in uu adkayn doono aadna u xaddidi doono, xuduudaha Koonfur dhaca ee dalka Maraykankana xiri doono ayuu ku goodinayaa. Marka Soomaalida xadka kasoo gasha, kuwa isku dacwoonaya ee qoysaskoodu ka maqan yihiin, haddii uu isagu yimaado waxbuu adkeyn karaa, marka saamayn taban ayuu ku yeelan karaa” ayuu yiri Qareen Amiin.

Soomaalida Qaxootiga ee dib u dejinta ka hela Maraykanka iyo kuwa hadda doonaya inay ka faa’iideystaan barnaamijka cusub ee (Welcome Corps) ayaa haddii mar kale la doorto Trump uu saameynayaa.

Sharci Ahaan halkee Trump u marayaa Xaddida soo galootiga

Bishii Juun 2018, ayaa Maxkamada sare ee dalka Maraykanka ku raacday Trump xayiraadii dhanka socdaalka oo uu ku soo rogay dadka ka imaanaya dalal ay Soomaaliya kamid tahay. Labo jeer ayuu wajahay caqabado dhanka sharciga oo maxkamaduhu uga horyimaadeen go’aankiisa xayiraada.

" Dadka xadka ka soo gudba waxaa qaada dacwadahooda ama garmaqalkooda Maxkamada Socdaalka, wayna ka duwan tahay Maxkamadaha Dastuuriga ama caadiga ah ee heer Federaal. Waa Maxkamad ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Maraykanka. Taas waxa ay lamid tahay Qareemadeeda, kuwa xeer ilaalinta ka socda iyo Qaadiyadaba waxaa soo magacaaba oo keena Wasaarada, marka Xukuumadda ayay toos u hoos tagaan, mana aha Maxkamadii Dastuuriga ee la yaqaanay” ayuu yiri Abuukaate Amiin Haaruun.

Qareenka ayaa intaa ku daray Trump in uu soo magacaabi karo Garsoor iyo xeer ilaaliyaal uu is leeyahay waxa ay kula fulin karaan siyaasadahaada adkaynaya in aan sharci la siin soo galootiga sharci darada.

Maxaa Ku Gaar ah Soomaalida?

Donald Trump waxaa uu ka aaminsan yahay Soomaaliya meel aan sharci ka jirin, waxaana ololihiisa siyaasada uu ku hal qabsadaa Xildhibaan Ilhan Cumar oo uu sheego in dalkaasi ay ka timid.

Ololihii Trump ee doorashadii November, 2020 ee ka dhacay magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ayuu ku yiri Ilhaan " Waxa ay jeceshahay inay dowladayada ka dhigto tii dalkii ay ka timid- Soomaaliya. Ma leh dowlad, ma leh badbaado, ma leh boolis, waxba ma leh, waa fowdo. Hadda waxa ay doonaysaa in ay noo sheegto sida dowlad loo maamulo. Maya. Mahadsanid”

" Ma aqaan wax Soomaalida gooni ku ah, laakiin waa dad firfircoon oo Ishu qaban ogtahay, meelaha aan joogno waan ka muuqanaa, gaar ahaan Gobolka Minnesota iyo meelo kale oo ay deggan yihiin. Xildhibaan waan leenahay oo Ilhaan Cumar la yiraahdo oo cod dheer. Marka waxaa laga yaabaa arimahaas oo is biirsaday ayaa sabab u ah in Soomaalida noqoto ololaha Madaxweyne Trump, gaar ahaan olilihii doorashadii u dambeysay”

Soomaalida sharci darada ku galay Maraykanka ee darbi ka boodka loo yaqaan ayaa iyagu hadda ku mashquulsan sidii ay dalkaasi ula qabsan lahaayeen, waxaana ay maraan marxalado kala duwan.

"Runtii waa dadaalayaan, qof walba waxaa u furan in uu magangalyo dalbado, marka ay soo galaan waxaa ay la tacaalaan sidii xabsiga uga soo bixi lahaayeen, markii ay soo baxaana sidii deegaan ay u heli lahaayeen iyo taageero mid qoys iyo saaxiibo. Intaas markii ay kasoo gudbaan waxaa ay ka howlgalaan sidii Qareeno u raadsan lahaayeen iyo sidii qareenada dhaqaalo ugu heli lahaayeen oo sharci u xaraysan lahaayeen, ka dibna waxa ay kamid noqdaan bulshada oo marka kaarka shaqada la siiyo, sharcigiisa wuu iska sugi karaa”

Maraykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ay uga muuqdaan Soomaalida, waxaana sannad walba u socdaala boqolaal si sharci iyo sharci la’aan ah ugu safro, iyaga oo doonaya in ay noloshooda iyo tan qoyskoodaba wax ka beddelaan.

Donald J Trump oo dib loo soo doorto ayaa wax badan ka beddeli karta rajada kumanaan Soomaali ah oo qaarkood hadda ay ku sugan yihiin, kuwa kalena ay naawilayaan tagitaanka Maraykanka



Source:BBCsomali
     
Loading...