Saameynta codadka muslimiinta ay Soomaalidu kamid tahay ay ku yeelan karaan doorashada Ingiriiska

Sunday June 30, 2024 - 08:30:11
Hadhwanaagtv
Siyaasigii caanka ahaa ee Ingiriiska, Winston Churchill,



Iyada oo doorashada guud ee dalka UK ay dhici doonto toddobaadka danbe maalinta khamiista ee 4ta July, ayaan qormadan ku eegi doonaa saamaynta ay codadka Muslimiinta iyo Carabtu ku yeelan karaan natiijada doorashada Ingiriiska?


 

Siyaasigii caanka ahaa ee Ingiriiska, Winston Churchill, ayaa qoray sannadihii 1920-aadkii, isaga oo uu ku tilmaamay in Boqortooyadii Ingiriisku ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee Muslimiinta caalamka.


 

Hadda oo laga joogo , in ka badan boqol sano ka dib khudbaddii Churchill, dadka daneeya doorashada UK ayaa raba in ay ogaadaan inta ay le'eg tahay saameynta cod-bixiyayaasha Muslimiinta iyo Carabtu ay ku yeelan karaan natiijada doorashada guud ee la qorsheeyay 4ta July .


 

Doorashadan ayaa ku soo beegantay xilli uu dagaal ka socdo gobol fog oo uu beri xukumi jiray Ingriisku, xilligaas oo Churchill uu ku faani jiray baaxadda Boqortooyada Ingiriiska.


 

Ololaha dagaal ee Israa’iil ay hadda ka waddo Qaza waxa uu kala qaybiyay ra’yiga shacabka Britain, waxaana daliil u ah dibadbaxyo ka dhacay waddooyinka dalkaas iyo dibadbaxyo ka dhacay dhowr jaamacadood.


 

Laakiin dagaalka Gaza saameyn dhab ah ma ku yeelan doonaa natiijada doorashada? Muslimiinta Britishka ah iyo muwaadiniinta asal ahaan ka soo jeeda Carabta, ma samayn karaan isbeddel?


 

Jawaabaha su’aalahan ayaa u muuqda kuwo isku-dhex-jira maadaama dagaalka Qasa uu walaac ku keenay muslimiin badan oo British ah iyo muwaadiniin asal ahaan kasoo jeeda dalalka Carabta, iyo sidoo kale dadka British-ka ah ee kala duwan qowmiyad ahaan iyo diin ahaanba.


 

Shaqaalaha iyo Gobolada.


 

Erayga "Xalaal" wuxuu ka muuqdaa meelo badan oo ah dukaamada cuntada iyo makhaayadaha London; Makhaayado badan ayaa lagu sameeyaa cunto waafaqsan xeerarka shareecada Islaamka, taas oo u muuqata mid macquul ah, maadaama caasimadda Ingiriiska ay martigeliso dalxiisayaal iyo dad badan oo soo booqdo oo ka imaanaya dalalka Islaamka.


 

Sida lagasoo xigtay diiwaanka xogta rasmiga ah, tirada Muslimiinta dalka ku nool guud ahaan waxa ay ku dhow yihiin afar milyan oo qof, oo u dhiganta 6.5% tirada guud ee dadka Britain, balse waxa laga yaabaa in boqolkiiba boqol ay kororto, gaar ahaan marka la eego celceliska da’da Muslimiinta ee dalkaasi.


 

Xaafadda Tooting ee koonfurta London, calanka Falastiin ayaa lagu dhejiyay daaqadaha maqaayado badan oo ay leeyihiin Pakistan iyo Bangladesh.


 

Gudaha mid ka mid ah makhaayadahaas, Shaakir (oo doorbiday in aan magaciisa oo dhameystiran la sheegin), oo soo galooti Pakistani ah, ayaa casho cunayay isaga oo si xamaasad leh uga hadlayay dagaalka Gaza, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in ay caddahay in "dhammaan xisbiyada Ingiriiska ay u xaglinayaan dhanka Israa'iil," sida uu sheegay.


 

Shaker, oo maamula shirkad nadiifisa guryaha, ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu u codeeyo musharax kasta oo madax-bannaan oo u damqanaya dadka Gaza. Waxay u muuqataa in taasi aanay ahayn ra’yi kaligiis u gaar ah.


 

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii October 2023, iyo dagaalkii xigay ee Israa’iil ay ku qaadday Marinka Gaza, waxa warbaahinta Britain ay aad u hadal haysay carrada Muslimiinta Britain ay ka muujiyeen falcelinta siyaasiyiinta Britain, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha Ingiriiska.


 

Xisbiga Labour-ka, oo dadka qaar ay tilmaamayaan ra'yi ururinta uu sameeyay sida - wargeyskaThe Economist iyo mid kale uu daabacay wargeyska kale ee Financial Times - ayaa muujinaya inuu ka horeeyo xisbiga talada haya ee Conservative Party.


 

Xisbiga mucaaradka ah ayaa inta badan lagu tiriyaa xisbiga ay ugu jecel yihiin Muslimiin badan oo British ah, sida ka muuqata ra'yi ururin ay samaysay hay'adda Survision Foundation, ka dib codsi ka yimid ururka Muslim League ee xisbiga shaqaalaha, kaas oo tilmaamayay in 86 Muslimiin ah ay sheegeen inay u coddeeyeen xisbiga shaqaalaha doorashadii guud ee 2019.


 

Laakiin afar sano ka dib, qayb ka mid ah Muslimiinta Britain ayaa dhaleeceeyay mawqifka hogaamiyaha xisbiga Labour-ka, Keir Starmer, bilowgii dagaalka, iyo hadalkiisii ku saabsan "xaqa Israel u leedahay inay is difaacdo si kasta oo macquul ah.


 

Hoggaamiyaha Labour-ku waxa kale oo uu ugu baaqay xildhibaanada xisbigiisa in ay ka fogaadaan in ay u codeeyaan mooshin ka socday Aqalka Baarlamaanka ee ku baaqayey xabbad-joojin bishii November ee la soo dhaafay, ka hor inta aanu ka noqon bilo kadib si uu ugu baaqo xabbad-joojin iyo in la taageero bilowga geeddi-socod nabadeed oo lagu xallinayo collaadda Falastiiniyiinta iyo Israa'iil.


 

Laakiin taasi ma waxa ay kadhigantahay in codbixiyeyaal badan oo Muslimiin ah ay ka tanaasulayaan taageeradii ay u hayeen Xisbiga Shaqaalaha ee Labour-ka doorashada soo socota?


 

"Codka Muslimiinta"


Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujineysa in tirada Muslimiinta ee doonaya in ay u codeeyaan xisbiga shaqaalaha ay yihiin ku dhawaad 60 boqolkiiba, halka Muslimiinta doonaya in ay u codeeyaan xisbiga talada ahaya ee Conservative aysan ka badnayn 12 boqolkiiba.


 

Waxaa hadda Baarlamaanka UK ka mid ah 3 xildhibaan oo muslimiin ah oo matalaya xisbiga Muxaafidka ah ee Conservative. Waxaa laga yaabaa in siyaasiga ugu caansan ee Muxaafidka ee asal ahaan kasoo jeedo Muslimiinta uu yahay Nadhim Zahawi, kaas oo asal ahaan ka soo jeeda Ciraaq, kaas oo jagooyin dhowar ka soo qabtay dawladihii Conservative-ka ee isdaba jooga ahaa, xlkaas oo uu ku jiro Wasiirka Waxbarashada.


 

Su’aasha ah cododka Muslimiinta iyo Carbata saameyn intee le’eg ayeey ku yeelan karaan guulaha la filayo in xisbiyadu ka gaaraan doorashooyinka soo socda ayaan si sax ah looga jawaabi Karin ilaa natiijada cod bixinta lagu dhawaaqo.

Isha/bbc/somali

 

     
Loading...