Haddii Dumarka Loo Deyinlaha,Dawladnimadeena,Dalkaa Degilaayo Dhamaan Doogsin Noqonlaba.

Saturday June 29, 2024 - 13:00:40
Hadhwanaagtv
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.




Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Diiran Dhergayn Bay Noqdeen,Doorkan Nimankiye,

 

Durujaa Raggii Weeye Aan,Dalag Ka Beermaynin,


 

Dudubinaaya Waxa Ay Hayaan,Sida Dugaag Ooman,

 

Doorta Dumar Ayan Odhanlaha,Dawlad Sharfteed,


 

Diintenaan La Doordoorinayn,Daayin Sidu Sheegay,

 

Dawladaha Islaamkuna Ma Laha,Rag U Dadaalaaya,


 

Waa Danaystayaaliyo Dhamaan,Gaalo Dabajoogyo,

 

Afrikaana Ugu Daran Markay,Dunidu Baadhbaadhay,


 

Dalkeenuna Kuwaasu Yahayoon,Cidih Danaynaynin,

 

Dib U Eegga Doorkii Hablahii,Soo Dagaalamayay,


 

Diyaarado Duqeeyiyo Madfaca,Aan Digiigaxanin,

 

Dusha Ubadka Saartee U Qaxay,Dawlada Deriska,


 

Dib Markay U Laabteen Dhistee,Diiday Tabashoyin,

 

Dun Waxay U Leeyiin Xaraogo,Lagu Duraantaaye,


 

Dunidaba Waxay Dheeryahiin,Daacadnimo Gaar Ah.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...