Ku noolaansha nolol caafimaadleh, xasiloon, farxadleh, horumarleh, bilaa caqabad ah oo barako lehinaad heshaa waxay ku xidhantahay inaad ku dedaasho arrimaha ku dhaxalsiinaya helistooda. Inaad hesho fureyaal kuu fura badhaadhaha intaas, innaga oo maskaxda ku haynayna noloshu inay tahay layli iyo imtixaan maalinba aad mid lakulmayso oo lagugu eegayo inaad ku samirto iyo inaad ka mahadnaqdo labadaba.
Halkan waxaynu ku dul istaagi doonnaa arrimo haddii aad rabto inaad hesho ay tahay inaad talaabooyin wadada kuu fududeynaya aad raacdo:
Caafimaad haddii aad rabto, ku dedaal soon sunne ah isniin iyo khamiis
Caafimaad joogto ah haddii aad rabto, ku dedaal maalmaha caddaanka (ayaamul baydka loo yaqaano.)
Farxad haddii aad rabto, ku dedaal akhriska qur’aanka kariimka ah maalin kasta waxaad ka helaysaa barako.
Waji nuur leh haddii aad rabto, ku dedaal tukashada salaadda habeenkii (salatul layl/witri) xitaa laba ragcadood. Laga bilaabo salaadda cishaa’i ilaa eedaanka salaadda subax kahor waad tukan kartaa, waxa se ugu fadli badan habeenka qaybtiisa danbe oo uu Ilaahay SWT inoosoo dhawaado oo uu yidhaahdo: Yaa danbi dhaaf i waydiisanaya oo aan ka aqbalaa, Yaa baahi iwaydiisanaya oo aan u dhameystiraa. Allahu Akbar.
Xasillooni haddii aad rabto, Xuska Ilaahay ku dedaal. Astaghfirullah, Subxaanallah, Alxamdulillah, Allahu akbar, Laa’ilaaha Ilallaah. Laba bilood haddii aad si joogto ah maalinkasta u waddo, waxaad arki carabkaaga oo sifiican ula qabsaday oo wada hadh iyo habeen.
Hanti iyo awlaad haddii aad rabto, ku dedaal badinta istikhfaarta. Caalimkeenii Xassan Albasri ayey saddex qof oo ka cabanaya abaar, awlaad la’aan iyo faqri u yimaadeen. Dhammaantood wuxuu ku yidhi istikhfaarta badiya Ilaahaybaa faraj idiin furaya’e idamka Alle. Qofkii istikhfaarta badsadaa, waxa loo furaa albaabada ducada.
Ka takhalusidda werwerka haddii aad rabto, ku dedaal badinta ducada marwalba. Kudedaal wakhtiyada ducada la aqbalo gaar ahaan sida inta u dhaxaysa eedaanka iyo aqiinka, habeenka intiisa danbe, jimcaha casarkii saacadda ku jirta iwm. Ma aha inaad Alle ka baridid arrimo waaweyn oo kaliya, Xataa haddii ay kabtu kaa go’day waa inaad Ilaahay waydiisataa inuu Ilaahay kuu hagaajiyo. Addoonnimada dhabta ahi waa taas.
Dhibaato inaad xal u hesho haddii aad rabto, Ku dedaal badinta Laa-xawla, wala-quwata, illaa billaah. Waxay kaa dulqaadi kurbada, culayska iyo dhibta ku haysata.
Barako haddii aad rabto, ku dedaal badinta salliga nebiga SCW. Salliga nebigu SCW waxa aad ka helaysaa barako dhameystiran. Dhanka wakhtiga, maalka, caafimaadka, ducada oo lagaa aqbalo iyo arrimahaaga oo dhan oo Ilaahay kuugu furfuro. Waxaad ku helaysaa jacaylka Ilaahay SWT. Ducadaada oo dhan haddii aad ka dhigto salliga Nebiga SCW,hammiga ku hayga oo dhan waa lagaa kor qaadayaa.
Jacaylka Ilaahay haddii aad rabto, ku dedaal u samefalka labadaada waalid. Haddii ay nool yihiin ugu adeeg sidii aad ugu adeegi lahayd haddii aanay dhalin ilmo aan adiga ahayn. Ilaahay iyo rasuulka addeeca, waalidkiinana u sama fala wanaag oo dhanbaa ku jira usamefalka waalidka. Albaabo aanad xooggaaga, xeeladdaada iyo habkale toona aanad ku furteen ayey ducada waalidku kuu furaysaa. Haddii ay ku habaaraanna dubbe musbaar ku dhufan maysid (Noloshu way kaa kala dhantaallaan oo isugu kaa toosi mayso.’’
Cafiska Ilaahay haddii aad jeceshay, Ku dedaal inaad dadka cafido adiguna. Habeenkasta intaanad seexan ku talagal inaad laabtaada oo xaadhan aad dhinaca dhulka dhigto. Cafido ka ku dhibay ee ku dulmiyey hor Ilaahay, xisaabba ka danbaysa aanu dhaafayn’e. Ilaahaybaa ku saamixi, haddii aad dadka saamaxdo.
Naxariista Ilaahay inaad hesho haddii aad jeceshahay, ku dedaal noolihiisa dunida kugula nool inaad u naxariisato. Ka dhibban caawi, ka talo ku waydiisa talo qiimo leh sii, ka laga gardaran yahay garabsii, waayeelka u naxariiso oo alaabta u qaad, waddada ka talaabi, haddii aad gaadhi wadato u istaag oo sii qaad. Naxariista Ilaahaybaad ku helaysaa markaad bani’aadamka kula nool aad u naxariisato.
Raalli ahaanshaha Ilaahay iyo jannada haddii aad rabto, Ku dedaal towbad keenka iyo salaadaha oo aad wakhtigeed tukato. Ilaahay ma hoojiyo qofka khaldama ee towbadkeenka badan. Sababta shaydaan loo fogeeyey waa inuu khaldamay balse uu kusii dhegganaaday khaladkiisii, halka Aabbeheen Adam iyo hooyadeen Xaawa markii ay gefeen ka toobad keeneen, Ilaahayna SWT uu ka towbad aqbalay.
Ajar kuu socda haddii aad rabto, Ku dedaal ka qayb qaadashada waxbixinta (sadaqada) waqfiga ah ee waarta. Ku dedaal inaad dunida kaga tagto awlaad saalixiinta oo kuu soo ducaysa ama cilmi faa’ido leh oo la intifaacsado.
Guuleyso!
Somalijobs INC.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!