Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).

Monday May 26, 2025 - 13:46:35
hadhwanaagnews
Cadaadiska Dhiigga: Cadaadiska dhiigga ayaa hoos....


Casharka 9aad

Isbeddelada ku dhaca shaqada jirka hooyada uurka leh( physiological change during pregnancy).
1:Habdhiska wadnaha.

Kordhinta Dhiigga: Dhiigga ayaa kordha ilaa 40-50% si loo siiyo nafaqo iyo ogsijiin ilmaha.
Kororka Wadnaha iyo Dhiig-bixinta: Wadnaha ayaa u shaqaynaya si degdeg ah, wadnaha ayaa garaacaya 10-15 jeer dheeraad ah daqiiqaddii.

Cadaadiska Dhiigga: Cadaadiska dhiigga ayaa hoos u dhici kara inta lagu jiro bilaha hore ee uurka, laakiin badanaa waxa uu ku soo noqonayaa asalka.Cadadka dhiigga uu wadnaha daqiiqad walba tuuro waxay noqotaa mid korodha(Cardiac output = heart rate × stroke volume). Waxa uu siyaadayaa 30%/50% xilliga uurka. Uur jiifka waxay ka caawineysa inuu ogsijiin fiican helo. Waxay muhiim u tahay wareegga dhiigga ee mandheerta.

Cadadka muugga dhiigga wadnaha uu tuuro waa mid siyaada(Stroke Volume Increases), garaac walba uu sameeyo wadnaha waa uu kordhaa cadadka dhiigga uu tuurayo. Maxaa yeelay koritaanka uu sameynayo wadnaha ayaa badan iyo dhiigga uu buufinayo. Waxa uu kordhaa 20 ilaa 30%

Waxa kordhaya mugga dhiigga(Blood Volume Increases). Gabi ahaanba mugga dhiigga waxa uu kordhayaa 40 ilaa 50%. Dareeraha dhiigga waxa ku bata unugyada dhiigga cas cas. Tani waxay ka hortageysaa dhiig baxa xilliga dhalmada. Waxay keentaa isbeddelka shaqo ee dhiigyaanta ee uurka, maxaa yeelay dhiigga waxa uu noqonayaa mid milan(physiological anaemia).

Cadaadiska dhiigga hoos ayuu u dhacaa( xilliga horre ee uurka). Waxa ugu wacan hormoonnada( gaar ahaan progesterone) xiddida dhiigga waxay noqdaan kuwa ballaarta. 28 isbuuc kaddib, Cadaadiska dhiigga waxa ku soo noqdaa sidiisa caadiga ah.

Iska caabinta guud ee xididada dhiigga waxay noqdaan kuwa hoos u dhaca(Systemic Vascular Resistance Decreases). Xiddida dhiigga waxay noqdaan kuwa kala baxa. Iska caabinta xiddidada waxay hoos u dhacdaa 30–50%. Waxay innaga caawineysaa in dhiigga uu gaaro ilma galeenka iyo uurjiifka. Waxay ka hortageysaa in dhiigga uu saa'id u kaco.

Dhiig noqod dibadeedka waxa uu noqdaa mid hoos u dhaca(Venous Return Decreases (Late Pregnancy), dabayaaqada uurka. Weynaanta ilmagaleenka uu weynaado waxa uu cadaadis saarayaa arooraha wayn ee hoose(inferior vena cava). Kaasoo dhiigga ka soo celiya addimaha hoose. Waxa uu hoos u dhacaa marka hooyada ay dhacdiid u seexato. Waxay sababeysaa in dhiigga hoos u dhaco( supine hypotension syndrome), hooyada waxa lagu arkayaa wareer, lallabo. Hooyada waxa loo sheegaa habka dhinac bidixeedka( left lateral position) in ay u seexato.

2: Nidaamka Neefsashada
Uurka waxa uu keenaa isbeddelo badan oo jirka saameeya, sida habdhiska neefsashada,tanina waxay ka caawineysaa si markaasi loo helo ogsijiin ku filan uurjiifka iyo hooyada. Si markaasi koritaanka uurjiifka u wanaagsanaado.

Baahida Ogsijiinta oo kordha: Uurka wuxuu ubaahan yahay ogsijiin badan si uu u gaaro ilmaha, taas oo keenta kordhinta isticmaalka ogsijiinta.

Kororka baahida ogsijiinta loo qabo(Increased Oxygen Need).
Hooyada waxay u baahan tahay ogsijiin badan, si ay markaasi u taageerto jirkeeda iyo uurjiifka. Baahida ogsijiinta waxay kordheysaa 20–30%.

Saameynta hormoonka progesterone-ka(Progesterone Effect). Waxa uu kordhaa xilliga uurka. Waxa uu sameynayaa xarunta laga maamulo maskaxda, waxa uu nuglaynayaa kaarboon labo ogsaydhka in la saaro, waxa ka dhallaneysa in neefsashada hooyada ay koro( hyperventilation).

Kororka mugga(Voluume-k Hawo ee La neefsado (Tidal Volume): Tani waxay ka dhigan tahay in habka neefsiga uu kordho si loo buuxiyo baahida ogsijiinta ee jirka. Waxa la kordhinayaa 30 ilaa 40%.

Waxa kordhaya minidka hawo cusbooneysiinta(Minute Ventilation Increases), waxa uu la mid yahay cadadka hawada la qaadanayo ama la saaro oo lagu × xaddiga neefsashada (Minute ventilation = Tidal volume × Respiratory rate). Waxa uu kordhayaa 40–50%, si markaasi hooyada ogsijiin u hesho iyo uurjiifka.

Cadadka hawo ee ku hara sambabbada kaddib neefsashada waxay noqotaa mid hoos u dhacda(Functional Residual Capacity (FRC). Waxa uu yaraanayaa 20% maxaa yeelaya ballaarashada uu ballaaranayo ilmagaleenka waxa uu riixayaa muruqa bogga.
Muruga bogga waxa u badanayaa dhanka sare(Diaphragm Moves Upward). Waxa uu kordhayaa 4 cm taasoo ugu wacan weynaanta uu waynaanayo ilma galeenka. Laakiin darbiyada laabta waa ay la qabsanayaan, sidaas daraadeeda shaqada samababbada waa mid isku dheellitiran.

3:Isbeddelka kelyaha ku yimaada (Renal).

Cabbirka kelyaha waa ay siyaadaan( 1–1.5 cm), waxa kordhaya mugga dhiigga iyo hormoonnada. Qulqulka dhiigga ee kelyaha waxa uu noqdaa mid kordha, ilaa waxa uu gaaraa 50–80%, waxay qabaneysaa in ay saarto waxyaabaha wasaqda ah ka yimaadaa hooyada iyo uurjiifka. Shaandhaynta xaddigeeda(Glomerular filtration rate) waxa noqdaa mid kordha 40–50%. Waxay ka caawineysaa shaandhaynta dhiigga badan, iyo waxyaabaha aan loo baahnayn ee jirka uu soo saaro. Yuuriyada iyo karatiniinka heerkooda waxa uu ka kayaraanayaa sidii caadiga ahayn. Taasoo ugu wacan siyaadintaanka shaandhaynta.

Lisaha(Ureters) waa tuubo soo qaada kaadida kana soo qaada kelyaha si markaasi ay ugu soo shubto kaadi haysta.

Lisaha waxa uu noqdaa mid ballaadhan tasoo ugu wacan hormoonka progesterone-ka waxa uu dabcinayaa murqaha. Qulqulka kaadida waxa uu noqdaa mid yar, waxa keenna kaadida lisaha ku jirta ama ku dhex qulquleysa waa ay dheer tahay, waxa siyaadaya qatarka caabuq ay ku haleeli karto hooyada.
Kaadi haysta(bladder).

Xajmiga kaadi haysta waa mid korodha waxyar bilowga uurka, laakiin muddo kaddib inta uurka uu jirro ama xilliyada dhammaadka koritaanka uu samaynayo ilmagaleenka,kaadi haysta waxay noqotaa mid yar xajmigeeda. Waxa kordhaya socodka kaadi, hooyada waxay yeelaneysaa kaadi badan( especially in 1st and 3rd trimester) waxa ugu wacan cadaadiska fuulaya iyo qulqulka dhiigga oo badan. Kaadi haysta murqaha ku jira waxay noqdaa kuwa dabca, saameynta uu ku yeesho hormoonka progesterone-ka dartiisa, taasina waxay keeneysaa kaadi baxsad, gaar ahaan hooyada xilliga ay qufaceyso ama hindhisayso.

Kaadi mareen(Urethra) waa tuubo ka timaada kaadi haysta, soona aada bananka.

Kaadi mareenka waxay noqotaa mid jilicsan iyo mid aad u dabacsan maxaa yeelay waxa saameynaya hormoonnada.Waxa bata markaasi qatarka caabuqa inuu soo maro kaadi mareenka. Wareegga muruqa kaadi mareenka waxa uu noqdaa mid yaraada, taasina waxay keeni kartaa kaadi baxsadka isku buuqa(stress incontinence).

Isbeddel shaqeedka(Functional Changes).

1:Kaadida waxa lagu arkayaa sokor yar, waxa ugu wacan shaandhaynta oo korodha, nuugitaanka oo yaradaada.
2:Waxaa kaloo jirra in kaadida lagu arko borotiin.
Tixraaca.
1. Dutta's Textbook of Obstetrics – K. Dutta, latest edition
2. Kumar and Clark’s Clinical Medicine – Parveen Kumar, Michael Clark, latest edition
3. Ten Teachers: Obstetrics by Ten Teachers – 20th edition
4. Medscape – https://www.medscape.com
5. Amboss Medical Knowledge Platform – https://www.amboss.com
W/Q:Indha_caad
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...