Muxuu dhakhtarku uga baahnaa madheerta?
Dakhtar u dhashay waddanka Shiinaha ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalkaas kaddib markii la soo bandhigay isaga oo xadaya madheerta dumarka, gaar ahaan kuwa ay tahay markoodii ugu horraysay ee ay dhalayaan.
Dhakhtarkan oo qaabilsan dhalmada dumarka ayaa la duubay isaga oo qolkii qalliinka ka qaadanaya madheerta, bac ku sita, isla markaana la galaya xafiiskiisa shandadna ku ridanaya.
Qofka duubay muuqaalka cisbitaalka lagu magacaabo Renhuai Jiudu ee hooyada iyo dhallaanka ee gobolka Guizhou, koonfur-galbeed dalka Shiinaha ayaa la yaabay sida uu u dhaqmayo digtoorku.
Mas'uuliyiinta cisbitaalka ayaa warbaahinta u sheegay inay dhakhtarka shaqada ka eryeen laakiin ma ay sheegin inuu hore u xaday qaar kale iyo in kale.
Madheertu waa xubin samaysanta xiliga uurka, si ay nafaqo u siiso uur-ku-jirta (ilmaha caloosha ku jira). Taas oo jidhka laga saaro marka ilmuhu dhasho.
Muxuu dhakhtarku uga baahnaa madheerta?
Madheerta ayaa loo isticmaalaa dawo dhaqameed dalkaasi Shiinaha. Waxaana suuqa madow lagu kala iibsadaa (340 doolarka Maraykanka ah halkii kiiloo), Inkasta oo dalkaasi laga mamnuucay ka ganacsiga xubnaha bani Aadamka.