Weerarkii israa'iil ee ay ku qaaday dalka Iran, waxay ugeysatay khasaare weyn oo hawadii dalka Iran waxay ka dhigtay ( hawo furan) .
Oo madaxdii ciidanka qaranka ayay kurta ka gurtay , sidii ay madaxdii xisbulaahi ee Lubnaan ku xasuuqday .
Israa'iil markii ay baalashii iyo gacmihii ay ku lahayd iran dalka Lubnaan (xisbulaahi) ay jebisay
Iyo Syria markii la riday xukuumadii Al-Asad ee ay xulaFada Iran ay ahaayeen.
Iyo Xuusiyiintii Yaman ay soo garaaceen iyo ciidamadii miiliishiyaadka ahaa ee Iraq.
Markaasaa waxay istidhi: Iran maanta ayaad garaaci karaysaa oo jebin karaysaa.
Weerarkii Iran ee ay israa'iil ku qaaday. Caasimadii israa'iil (Tal Abiib) ayay si xun u garaacday oo khasaare weyn u gaysatay dalka israa'iil iyo meelo badan oo kale .
Israa'iil waxay doonaysaa in ay dalka US soo geliso dagaalka .
Waayo?
Hubka ay haysato israa'iil waxba ka qaadi maayo meelaha ay Iran ku haysato hubka wax gumaada .
Ee hubka dalka US ay haystaan iyo diyaaradahooda ayaa burburin karaaya meelaha dhulka hoostiisa ee uu yaalo hubka Iran.
Hadaba dalka US ma soo geleysaa dagaalka?
Jawaabtu : waa maya ,
sababtoo ah xarumahooda iyo saldhigyadooda uu dalka US ku leeyahay dalalka gacanka carbeed ( khaliijka) oo ay Iran wada garaaci doonto hadii uu dagaalka soo galo dalka US oo ay burburin doonto iyo meelaha shidaalku uu ka soo baxo .
Iran waa dal balaadhan oo weerar iyo 2-ba weerar iyo 3 weerar midna waxba kama qaadi karaayo oo Iran waa dal weyn oo balaadhan.
Laakiin israa'iil waa dal yar oo aan qaadi karayn dagaal dheeraada ama isdaba jooga.
Dagaalkanu hadii uu dheeraado waa in midkood la jebiyaa.
Iran hadii la jebiyo waxay ogolaanaysaa wada hadaladii iyo heshiiskii ay dalka US kula jirtay oo ay tanaasulaad bixisaa.
Hadii uu dalka US soo galo dagaalka
Bariga dhexe oo dhami wuu gubanayaa , waanu balaadhanayaa.
Dalka US iyo reer galbeedku ma ogola in ay jabto israa'iil,
Mana ogola in ay Iran samaysato hubkii ay doonaysay (hubka wax gumaada) in ay dhamays tirato.
Iran wax kasta way ka soo kaban kartaa ( madaxdii laga dilay iyo khasaaraha dhaqaale , laakiin culimadii laga dilay way adag tahay sida ay uga soo kabato.
Dagaalkanu hadii uu sii socdo.
Dunida oo dhan saamayn weyn ayuu ku yeelan doonaa.
Khasaaraha dalka US ka soo gaadhay dagaalkan ,
Diyaaradii F35 ee dalka US ku faanaayay ee lahaa ( Radar qabanayaa ma jiro , lamana arkaayo) oo dagaalkan lagu soo riday.
Waxa wax aad looga xumaado ah , in dalkii Iraq iyo Syria ay noqdaan Dakka Lubnaan oo kale ah oo hawadoodii layska dul taxaashaayo oo aan waxba layskaga tirinayn.
Cali Biixi
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!