Sidee ayaa waqti yar ugu qaban karaa shaqo badan?

Saturday July 05, 2025 - 17:47:45
hadhwanaagnews
Qodobka 1aad: Inaad hal shay diiradda saarto ( focusing on one thing)


Maskaxdeenna looma qaabayn inay hal mar wax ka qabato waxyaabo badan. Dhab ahaantii, maaha suurtagal in hawlo badan isku halmar la wada qabto.

Maskaxdeennu si fudud ayay isu kala badashaa oo waxaad mooddaa inaynu samaynayno wax ka badan hal shay; laakiin jidh ahaan (physically) xaaladdu way ka geddisanaan kartaa.
Si kasta ba ha ahaatee , arrinta dhacaysaa waxa ay tahay , marka aynu hawlo kala jaad ah oo badan qabanayno, waxa aynu isticmaalayno tamar badan;
Beddal kasta waxaa ku kacayaa tamar , mar haddii maskaxdeennu u dhaqaaqayso aagag badan hal mar , mar walba oo la hawgalinaayo hal fikir.
Haddii aynu si dhakhso ah kolba ugu boodno waxyaabo kala duwan ama aynu hal mar diiradda saarno hawlo badan , si degdeg ayaa u daalaynaa maalintii.
Hawshu waxa ay innagu qaadan doontaa ammin dheer, maaddaama ayna si xidhiidh ah u socon; maalintuna waxa ay ku dhammaan doontaa si xun, mar haddii aynaan awood u hayn aynu diiradda ku saarno.
Si uu waxsoosaarkaagu u bato , waa inaad boqolkiiba boqol diiradda saarto hawsha aad gacanta ku hayso.

Qodobka 2 aad: Marka ugu horreysa diiradda saar shayga ugu muhiimsan.

Ganacsato badan iyo mulkilayaasha ganacsiga ayaa marka ay wax bilaabayaan si gaar ah qodobkan ula daalaadhacaya.
Waxa ay aad uga werweraan wax kasta oo ay ganacsigooda ka qabanayaan , waxaana ku adkaata inay si fiican u arkaan waxa dhabta ah, ee ugu muhiimsan.
Xaqiidii, haddii aad rabto inaad shaqo qabato , waa in aad eegto dhammaadka yoolka , una dhaqaaqdo inaad qabato shayga ugu muhiimsan marka hore. Mulkiilayaasha ganacsata , faa'iidada ayaa ah shayga ugu muhiimsan oo halka ay u socdeen.
Si kasta ba ha ahaatee, marka ay timaaddo xaga waxsoosaarka, waa inaad eegto waxa la rabo inay kasoo baxaan waxsoosaarka ( natiijada), kana shaqee shaygaa marka hore.

Dabcan , waxaad si fiican u qaban kartaa haddii aad cabto biyo badan, haddii aad si degdeg ah u shaqeyso, iyo haddii aad seexato hurd badan; dhammaan waxyaabahaasi waxay dhinac ka yihiin shaqada, balse maaha shaqadii dhabta ahayd ee la rabay in la qabto!
Waa inaad waqti badan ku bixisaa waxa keenaya natiijada ; halka aad ammin yar ku bixinayso waxa aan wax keenayn.

Qodobka 3 aad: Qorshayso waqtigaaga.

Fikrad ahaan, waxaad qorshaysaa maalintaada oo dhan. Intaas kaddib, waxaa aynu jecelnahay inaynu nafaheenna uga fikirno sidii inaynu nahay kuwo waxsoosaar leh iyo shaqsiyaad wax-ku-ool ah. dadka intooda badan waxay lumiyaan qiyaastii 24 saacadood toddobaadkii , iyaga oo aan fahmin meesha uu wakhtigaasi maraayo.
Ma waxaad doonaysaa inaad shaqo badan ku qabato waqti yar guddihii?
Bal ka warran amminta badan ee aad naftaada siisay iyo waqtiga firaaqada ee aad haysato , laakiin aannad u adeegsan inaad wax ku qabato?
Marka aad sidaas samayso, kaddib, waxaa aad qorshayn maalintaada oo dhan . Waxaad garwaaqsani in aad haysato ammin badan oo wax walba ku qaban karto iyo mid aad nasasho ku hesho ba. Taasina, waxa ay kuu fududayn doontaa in si wax-ku-ool ah wax u qorshayso; inay kaa caawiso marka aad jadwalkaaga qorshayso ee aad horumarinayso.
Intaas wixii ka dambeeya, waxa aad mashquul ku noqoni hawlqabadkaagii aad dejisatay; mar kasta oo mashquulkaagu badatana , waxaad ku wanaagsanaysaa wixii aad qabanaysay.
Waxa kuu sahlanaanaya in diiraddaadu haysato waxa aad qabanayso; taasi oo ah in aannad waqti ba u hayn wax kale oo dhan.

Arrinta gobo'deedu waxa weeyi: haddii annad waqti hayn, waa inaad diiradda saarto ( waayo, wixii kale oo dhan waqti uma ahaysid)
( If you do not have time, you have to focus)
Amminta waad maaraysay. Daqiiqad kasta halka ay ku baxayso ayaa kuu qorshaysan, taasina midhaheeddu waxa weeyi: inuu qofku wax walba qaban karo; inuu amminta ka faa'iidaysto; ammin yar inuu wax buuraha laaleeg ku qabto. Sidaasna guuleyste ku noqdo.

Qodobka 4 aad: Qaado nasasho waxtar leh

Dad badan ayaa qaata nasasho, taasi oo haddana weli ay maskaxdooda ku mashquulinayaan fikrado aan toos ahayn. Aflaanta, barnaamijada Tv-ga, muuqaallada YouTube-ka, maaha dhabtii hab aad ku nasan karto.
Habka ugu wacan ee aad nasasho ku qaadan karto, waa inaad maskaxdaada u ogolaato inay nasato.
Sida aad jidhkaaga ugu ogolaato inuu nasasho helo, ayaad ugu baahan tahay in maalintii wax ka mid ah ay maskaxdaadu hesho xasillooni iyo nasasho.
Nasashadu waxa ay noqon kartaa, inaad kursiga ka kacdo oo hareerihiisa yara warwareegto; inaad inta dib ugu yara fadhiisato kursigaaga , adiga oo aan waxba qabanayn . Indhaha isku yara qabo oo isdeji.
1 ilaa 2 daqiiqo kaddib , waxaad dareemi daaltirasho fiican. Mararka qaar, waxaa aad u baahan kartaa ammin intaas ka badan, sida 5 daqiiqo , balse aad uga taxaddir , waxaa ku qaban karta hurdo( 5 daqiiqo waa waqti lagu gam'i karo)
Intaas kaddib, waxaa aad ku laaban kartaa shaqadii oo aad halkii kasii waddo.
Nasashada qorshaysan ee aad qaadataa, waxaa aad helaysaa inaad si fiican wax u qabato, oo ammin kooban ku qabato hawl badan.
Qodobka 5 aad: Naftaada abaalmari

Waxaa aynu jecelnahay in aynaan nafaheenna ku sandulayn wax kasta oo aynu qaban karno, laakiin ma aaminsanin inaynu nafteenna dhabarka ka dhirbaaxno, si ay shaqada ugu laabato oo si wacan ugu qabato.
Hab fikirka noocan oo kale ah maaha layaab, maaddaama wax kasta oo yar oo aynu samayno la socdaan suurtagalnimada sandulayn kasii badan
Haddii taas baddelkeeda aynu abaalmarin lahayn nafteenna mar kasta oo aynu qabanno shaqo wayn, waxaa soo bixi lahaa wax badan oo taas ka duwan!
Waxaan ku raaxaysan lahayn fikradaha guusha ama guusha, waxa ayna yeelan doonnaa macno badan oo wanaagsan oo ku saabsan shaqadayada.
Taas awgeed, isku day inaad soo bandhigto guusha ama bixiso ishaaro guul tilmaamaysa.
Ma dhammaysay email aad qoreysay?
Gacmahaaga hawada u taag/gacmaha kor u qaad( tilmaanta uu bixiyo qofka guuleysatay)
Ma heshay macmiil kale ama macaamiil? Naftaada sii feedhka hawada (fist pump) feedhka inta aad duubato feedh hawada, adiga oo gacantaada kor iyo hoos u celinaaya , taasi oo tilmaamaysa dabbaaldegga guusha!
sidoo kale murraayadda si kalsooni leh u hor istaag, adiga oo naftaada si u sheegaya guushaada.

Ugu dambayntii ma ku dhammaatay mashruucaas weyn? Dhawr jeer hawada u bood adiga oo aad ugu faraxsan shaqada qabatay.
Uma baahnid inaad lacag ku bixiso si aad naftaada u dareento guul, laakiin isku day inaad naftaada siiso dareenkan meel kasta iyo goor kasta oo aad awooddo; waxay maskaxdaada ka dhigi doontaa inay isku daydo inay kugu taageerto shaqadaada halkii ay kaa hor istaagi lahayd.
Abaalmarintan yar ee naftu, ha yareysan oo yayna kuula muuqan wax aan macno lahayn , waxa ay kaa caawin doonaan inaad hawl kasta oo aad qabanayso ku dhiirrato, oo aannad ka daalin oo aad inbadan ku laalaabato. Taasina waxa ay kuu horseedi in ammin yar ku qabato hawlo badan.

Qodobka 6 aad: si wax-ku-ool ah u xannib wax kasta oo kale

Iska xidh moobaylka. Gabi ahaanba khadka ka bax. Haddii aad rabto ama karto waxaad iska dhegaysan kartaa Quraan, adiga oo cod gaaban ku dhegaysanaaya.
Geli naftaada xaallad degan oo ayna wax ba qabanayn; ma jiro wax fursad u siinaya inay mashquuliso.
Waan ogahay in dad badan ay ku fikiri doonaan "Laakin ka waran haddii ay jirto xaalad degdeg ah?" runtuna waa: Taasi waxay u badan tahay inaysan jiri doonin.
Ugu yaraan ilaa aad nasato, dami wax kasta oo aad awooddo. Intaa ka dib waxaad si fudud u eegi kartaa taleefankaaga hal mar oo arag ciddii ku soo wacday; mudaddaas yar ha ka baqan dhicimaayaan wax badan oo ku dhaafaa.
Jidhka iyo maskaxduba way ku nasan, taasina hawlqabadkaaga ayaa ay waxtari doontaa; shaqada adiga oo jecel baad ku laabani, ammin yarna waad ku qabani hawl badan.

Qodobka 7 aad: Fududee jadwalkaaga hawlqabad

Isku day in aannad lahaan hawlo badan oo kala geddisan oo aad maalin kasta wax ka qabato.
Tani waxay sii xoojinaysaa qodobka kowaad , kaasi oo ah inaad hal shay diiradda saarto , laakiin maaha hal waqti , ee waa maalintii oo dhan.
Tani mar walba suurtagal ma noqon doonto, laakiin wakhti kasta waa isku day inaad diirada saarto hal shay maalintii oo dhan , inta kale ee soo hadhayna waad nasasho tagi.

Qodobka 8 aad: lahaw madaddaalo ( have fun)

U dhoolacaddee marar badan, dabeecad wanaagsan u lahow shaqadaada oo isku day inaad wakhtigaaga ku raaxaysato. Haa, badanaa waa shaqo adag laakiin taasi macnaheedu maaha inay sidoo kale noqoto shaqo aad karaahiyaysato.
Waxaa jira siyaabo badan oo aad madaddaalo uga dhigi karto shaqo kasta , sida aad badi ku arki karto carruurta ee ay meel kasta oo ay tagaan madaddaalo ugu sameeyaan ama wax kasta oo ay sameeynayaan, inkasta oo ay waalidkood ayna jeclaysan.
Haddaba, wixii aad qabanayso ha noqdaan kuwo nidaamsan oo qalbigaagu ku raaxaysto ; taasi waxa ay kugu caawinaysaa in shaqadaada ammin yar ku qabo oo waxsoosaarkaaguna bato .

Dhammaad.

W/Q: Maxamed Haybe Axmed
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...