Sidee Somaliland uga jawaabtay eedeyntii uu Shiinuhu u jeediyey ee ku aaddan heshiiskii ay la gashay Taiwan

Tuesday July 29, 2025 - 13:10:42
Marka laga soo tago arrimaha ammaanka badda waxay kaloo somaliland



Somaliland iyo Taiwan ayaa toddobaadkan kala saxiixday heshiis dhinaca ilaalinta Xeebaha ah. Qodobada Heshiiskan weli faah faahin rasmi ah kama aysan soo bixin labada dhinac, balse waxa uu ku soo beegmayaa ayadoo ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii isfaham ee dhinaca Badda ahaa uu dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo xiisad ka abuuray gobolka.

 

Afhayeenka safaaradda Shiinaha Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Taiwan.

 

Afhayeenka oo ka jawaabayay halka ay ka taagan yihiin "heshiiska iskaashiga ee ilaalinta xeebaha" kaas oo dhexmaray Somaliland iyo Taiwan, waxa uu sheegay in ay taasi xad gudub tahay.

 

"Tallaabada maamul goboleedka Somaliland waxay si cad ugu xadgudbeysaa mabda'a hal dal oo Shiina ah, waxayna dhaawaceysaa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Shiinaha. Shiinaha si adag ayuu falkan uga soo horjeedaa dhankiisa".

 

Afhayeenka wuxuu kaloo sheegay in adduunka uu ka jiro hal dal oo Shiino ah. Taiwan waxay si aan la dafiri karin uga tirsan tahay Shiinaha, waxaana si sharci ah u matala Shiinaha oo dhan dowladda Jamhuuriyada Shiinaha.

"Taiwan marna dal ma noqon, horena uma aheyn, haddana ma noqoneyso" ayuu yiri afhayeenka oo intaas ku daray in ay tahay "is khiyaamid in maamulka Taiwan uu gacansaar la yeesho maamulka Somaliland si uu dano siyaasadeed u raadiyo taasna ma joojineyso in ay dib ula midowdo Shiinaha".

 

Shiinaha waxay sheegeen in Qaramada Midoobay ay soo saarty qaraar sanadkii 1971-kii, tirsigiisuna ahaa 2758 kaas oo lagu aqoonsaday dowladda Shiinaha laguna diiday fikrad kasta oo labo Shiino ah ama Shiino iyo Taiwan.

 

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Somaliland u aqoonsan tahay in ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

 

"Safaarada waxay sidoo kale xoojineysaa in Somaliland ay qeyb ka tahay dalka Soomaaliya, waxayna si xoogan uga horjeedaa in mas'uuliyiinta Somaliland iyo maamulka Taiwan uu midba kan kale martigeliyo sannad kasta ama nooc kasta oo xiriir rasmi ah ee dhexmara" ayuu yiri afhayeenka oo intaas ku daray.

 

"Waxaan u soo jeedinay maamulka Somaliland in ay waaqici noqdaan oo ka fogaadaan in ay ka horyimaadaan hab dhaqankii taariikhiga ahaa haddii kale cawaaqib ayey yeelaneysaa".

Dhanka kale, wasiirka Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanideeda ee Somaliland, C/raxmaan Daahir Aadan oo ka hadlay heshiiska ay la galeen Taiwan ayaa sheegay in uu ahaa iskaashi ammaanka badda.

 

"Heshiiskaas guud ahaan wuxuu ku saabsanaa sidii laysaga kaashan lahaa ilaalinta xeebaha labada dal, wixii horumar ah, wixii tababar ah, wixii fakar is-weydaarsi ah iyo wixii talo iyo tusaale ee labada wadan iska kaashan lahaayeen" ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in heshiiskan uu ahaa gabogabadii is-fagarad hore loo gaaray.

 

"Heshiiskan aan u tagnay Taiwan wuxu ahaa is-afgarad hadda ka hor ay Tiawan iyo Somaliland kala saxiixdeen, waan soo gabogabeyneynay".

 

Wasiirka waxa uu sheegay in heshiiskan uu qiimo weyn ugu fadhiyo dalkiisa oo ay wax badan ka faa'iidayaan.

 

"Waxtar weyn ayey noo tahay, kheyraadka badda waa mid aad iyo aad muhiim ugu ah Somaliland, marka haddii aan kheyraadkeena ilaashan karin, kheyraadkeena ma isticmaali karno".

 

Wasiirka waxa uu sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay in uu ilaaliyo xeebahiisa, uuna heshiis la galayo ciddii ay u arkaan in ka caawineyso, taas maadaama ay yihiin dal dhismaya oo waxyaabo badan u baahan.

 

"Anaga cid kale kuma mashquulsanin, cid in aan danbi ka galnayna ma aaminsanin, Somaliland waa dal, ciddii ay danteeda ka wadashaqeyn karaan baan ka wada-shaqeyn karnaa, anaga uma aragno in Shiinaha in aan wax dambi ah ka galnay, waa dal, ixtiraam iyo wanaag baan u haynaa".

Cabdilaahi Maxamed Bile, oo ah barre Jaamacaddaha magaalada Hargeysa kana dhiga culuunta Amniga Baddaha ayaa qaba in heshiiskan uu Somaliland muhiim u yahay.

 

"Waxaan qabaa in heshiiskan yahay mid istaraatiiji ah oo Somaliland ay wax badan ka faa'idi doonto hadii si fiican heshiiskan loo dhaqangeliyo" ayuu yiri Cabdilaahi oo intaas ku daray in Somaliland ay faa'ido ugu jirto".

 

"Somaliland waxay ka faa'idi kartaa in ciidanka ilaalada xeebaha si fiican loo dhiso, loo qalabeeyo, ciidan ammaanka Badda Cas la wareegi karana ay noqdaan".

 

Marka laga soo tago arrimaha ammaanka badda waxay kaloo somaliland ka faa'iideysa sida uu qabo Cabdilaahi in ay ogaato kheyraadkeeda badda.

 

"Taiwan waxay Somaliland ka caawin kartaa horta in xog dhab ah oo buuxda ka hesho kheeryaadka badeeda, ha noqoto shidaal, ha noqoto macdan, ha noqoto waxybaaha kale ee muhiimka ah ee badaha ku jira".

 

Ma ahan markii ugu horeysay ay Soomaliland la gasho heshiis dal kale kaas oo keena culeys siyaasadeed. Hore waxay heshiis is-afgarad ah ula gashay itoobiya kaas oo sababay in dowladda Federalka Soomaaliya ay si weyn uga horjeesato. Heshiiskan ay hadda la gashay Taiwan waxaa si weyn uga horjeeda Shiinaha.

 



     
Loading...