Welwelka waxa uu ka mid yahay waxyaabaha inta badan soo mara nolosha bani'aadanka, waxaana loo arkaa xaalado khatar ah.
Mararka qaar welwelka waa wax caadi ah oo ku soo mara, kaas oo kuu diyaariya in aad wajahdo khatar halis ah balse waxa uu noqon karaa dhibaato marka uu dhaafo xadkiisa oo joogto noqdo ama la xukumi waayo.
Si wax looga qabto waxaa muhiim ah in la fahmo sida uu welwelka u kala duwan yahay.
Waa maxay welwel?
Marka laga eego dhinaca maskaxda, welwelka waa cabsi, iyo daganaasho la'aan gudaha ah. Waxaa sidoo kale lagu tilmaami karaa deganaasho la'aan ka timaada khatar la filayo ama dareen ka yimaada waxyaabaha ka socda hareeraheena.
Phong Le oo ka shaqeeya qeybta climi-nafsiga iyo tacliinta Vietnam iyo Mareykanka ayaa wareysi ay BBC-da la yeelatay ku sheegay in welwelka uu noqon karo wax degdeg ah oo kula kulma, kaas oo la mid ah sida in "jirka ku xanuunayo".
Wuxuu kaloo sheegay Phong Le in welwelka yar uu yahay mid faa'ido leh, maxaa yeelay waxa uu u shaqeeya sida digniin, isagoo kiciya ogaalka khatar suuragal ah, una diyaariya qofka sidii uu ku wajihi lahaa. Balse marka laga baqayo wax mustaqbalka dhacaya waxa uu noqdaa mid xooggan ama farageliya in aan si caadi ah u dhaqano, taasina waa astaan caafimaad daro maskaxda ah.
Waa maxay saameynta welwelka uu ku leeyahay caafimaadka maskaxda iyo tayada nolosha?
Welwelka waxa uu saameyn karaa caafimaadka maskaxda iyo guud ahaan tayada nolosha maxaa yeelay muddo dheer ayuu sii jiraa.
Phong Le waxa uu sheegay in cadaadiska maskaxda ee mudada dheer sii jira in uu sababo welwelka.
Cilmibaaris ayaa sidoo kale muujineysa in cadaadiska maskaxda oo jira muddo dheer in uu keenayo welwelka oo kordha. Sidoo kale tani waxay dadka ku keeneysaa in ay u nuglaadan welewelka. Sidaa darteed waa muhiim in la maareeyo cadaadiska maxkaxda si loo yareeyo in uu qofka qaado welwel.
Saameynta welwelka uu jirkeena ku leeyahay
Welwelka joogtada ah wuxuu saameyn ku yeelanayaa caafimaadka guud ee jirka sida uu sheegay Fung Le.
Welwelka aadka u daran wuxuu sidoo kale kordhin karaa khatarta cudurrada wadna xanuunka, dhiigkarka iyo Faaliga.
Welwelka sidoo kale wuxuu leeyahay dhibaato dhinaca dheef-shiidka sida shuban, calool xanuun iyo waxyaabo kale.
Welwelka wuxuu sidoo kale daciifin karaa habka difaaca jirka isagoo kaa dhigaya in aad u nuglaato jirooyinka iyo caabuqyda. Wuxuu sidoo kale dhibaato ku keeni karaa hurdada.
Waxyaabaha kale ee uu keeno welwelka waxaa ka mid ah madax-xanuun. Waxaa sidoo kale jira cadeymo muujinaya in welwelka lala xiriiriyo cudurada difaaca jirka kuwaas oo hoos u dhiga awooda jirka uu isaga ilaaliyo caabuqyada.
Ugu dambeyntii welwelka wuxuu carqaladeeyaa nolol maalmeedka qofka, wuxuuna yareeyaa tayada qofka, wuxuuna adkeeyaa in qofka sameeyo howlaha caadiga iyo mas'uuliyadiisa.
Sidee ugu haboon ee wax looga qaban karaa welwelka joogtada ah?
Hababka guud ee loo maareyn karo welwelka waxaa ka mid ah in la adeegsado nidaamyo kala duwan oo lagu xakameeyo astaamaha welwelka. Tan labaad waa in aad iska warqabto.
In aad diirada saarto waxa aad ku sugan tahay oo aad aqbasho adigoon garsooreyn ayaa ah habka ugu waxtarka badan ee lagu yareen karo welwelka. In aad ku celceliso neef qaadashada waxay ka hortageysaa in aad degdeg neefta u qaadatid taas oo ah waxyaabo welwelka keena. In aad welwelka waqti u yeesho waxay dadka ka caawineysaa in aad xukunto welwelka yimaada xiliyada kale.
Ugu dambeyntii in aad dareenkaaga kala hadasho saaxiibo aad aaminsan tahay, xubno qoyskaaga ama kuwa caafimaadka maskaxda dadka ka caawiya waxay ka dhigeysaa qofka in la fahmo lana taageero.
Sidee daawooyinka u yareeyaan welwelka?
Daawooyinka waxay kaa caawiyaan in ay dheelitiraan heerka nooc ka mid ah dheecaanada maskaxda ee loo yaqaan Serotonin.
Dheecaankaas waa wax ka saameysa xaaladda iyo dareenka. Marka uu hooseeyo wuxuu keenaa welwel. Daawada waxay ka hortagtaa in dheecaankaas ay maskaxda degdeg u qaadato.
Fong Le waxa uu sheegay in daawooyinkan lala isticmaalo habab kale sida in wax laga badalo habka qofku u nool yahay. Wuxuu kaloo sheegay Fong in daawooyinka aysan dadka oo dhan isku si ugu shaqeynin. Dad badan, daawooyinka waxay kor u qaadaan xaaladooda.
Waxaa muhiim ah in aad kala hadasho dhakhtarkaaga haddii ay daawadan tahay tan ku haboon naftaada.
Fikradaha khaldan ee ku saabsan welwelka
Phong Le waxa uu sheegay kor u kaca heerka welwelka dhallinyarada in inta badan si khaldan loogu qaato astaan daciifnimo ah. wuxuu sheegay habka ugu fiican waa in lala socdaa oo la raadiyaa caawin.
Macluumaadka aadka u badan, baraha bulshada, cadaadiska waxbarashada ee ku yimaada dhallinyarada iyo isbeddelada xiriirkooda bulshada ayaa saameyn kara.
Phong Leh wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto faham la'aanta ku saabsan welwelka. Welwelka waa dhibaato caafimaad oo daran marka uu batana waxa uu keeni karaa in uu wax ka beddalo sida ay maskaxda u shaqeeyso iyo qaab dhismeedkeeda.
Hadii aan daawo loo helin welwelka wuxuu noqon karaa mid joogto ah oo ka sii dara.
Inkastoo daawadu tahay mid wax looga qaban karo hadana waxaa jira habab badan oo lagu daaweyn karo welwelka sida in nolosha qofka uu wax ka badalo.
Marka aan si kooban uga hadalno welwelka waa arrin adag oo leh saameyn maskaxeed iyo mid jireed.
Inkastoo welwelka uu naga caawin karo in aan si fiican u shaqeynayo xaaladaha qaar, haddana waxa uu noqon karaa dhibaato habab kala duwan wax looga qaban karo iyadoo loo baahan yahay in mararka qaar daawada caadiga ah la isticmaalo.
Xigasho BBC/SOMALI