Masuuliyiinta Maamulka gobolka Sanaag iyo Duqa degmada Ceerigaabo oo Dhagax Dhigey Waddo Muhiim ah

Monday June 24, 2024 - 13:26:10
Hadhwanaagtv
Duqa degmada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur..



Masuuliyiinta maamulka gobolka Sanaag iyo duqa degmada Ceerigaabo ayaa dhagax dhigey, jid isku xidhi doona qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Ceerigaabo.

 

Jidkan cusub ee dhismihiisa maanta la dhagax-dhigey waxa iska kaashanaya qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Ceerigaabo iyo maamulka degmada.

 

Injineerka dhismaha jidkani gacanta ku haya Cabdi Cismaan, ayaa sheegay in jidkani isku xidhayo xaafada Daallo iyo Miskiid Jaamaca magaalada Ceerigaabo, waxaanu xusay in jidkani dhererkiisu yahay laba boqol oo mitir, isla markaana kharashka ku baxaya ay siwada jir ah ubixiyeen ganacsato u dhalatay degmada Ceerigaabo iyo maamulka dowladda hoose.

 

Duqa degmada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, waxa uu sheegay in cidkasta oo keensata kharashka dhismaha jidadka ay u fulinayaan isla markaana ay wax ugu darayaan.

 

Gaba-gabadii Maamulka gobolka Sanaag ayaa sheegay in dowladda hoose ay ku dhiirigelisay bulshada inay qayb ka noqdaan dhismaha waddooyinka, waxa ay ka markhaati kaceen in dowladda hoose ee degmada Ceerigaabo ka soo baxday shaqadii bulshadu u dooratay.

     
Loading...