Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Xildhibaano Lagu Xidhay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya

Saturday June 22, 2024 - 08:08:15
Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Xildhibaano Lagu Xidhay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahday xaalad amnigooda khatar la galiyay iyagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u beenisay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ka dambeyso in labada xildhibaano lagu xiro magaalada Nairobi.

Dowladda Soomaliya waxay sheegtay in xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey ay la gudboon tahay inay la xiriiraan laamaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.

Labada xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muddo kooban xorriyadda looga qaaday gudaha magaalada Nairobi oo ay sheegeen inay u joogaan fasax.

Xildhibaanada ayaa sheegay in looga digay in ay ku guda jiraan arrimo ka dhan ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in ay ka xunyihiin in weli aysan ka hadal guddoonkii baarlamanka ay ka tirsanyihiin walow ay arrinta la socodsiiyeen safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Nairobi.


     
Loading...