Maxay ka dhigan tahay inay Itoobiya ka laabatay hadalkii aqoonsiga SOMALILAND?

Tuesday June 18, 2024 - 07:46:25
hadhwanaagtv
Balse saacado kooban kadib waxaa hawada ka baxay qoraalkii...




Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal hadal badan abuuray soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.


 

"Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.


 

Balse saacado kooban kadib waxaa hawada ka baxay qoraalkii uu soo dhigay wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee Itoobiya kaas oo u muuqday in gebi ahaanba la tir-tiray.


 

Dad badan ayaa u fasiray in Itoobiya ay gaabsaneyso ka hadalka arrintan halka kuwa kalana ay u fasireen in sababo farsamo awgood qoraalka looga saaray barta X ama Twitter.


 

Haddaba muxuu ka dhigan yahay qoraalkan?

Maxamed Mukhtaar oo ah wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya ahna falanqeeye ka faallooda siyaasadda geeska gaar ahaan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay arrinkan mid aan wax badan kasoo cusbooneysiineyn halkii ay kala taagnaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya.


 

"Wasiiru-dowlaha warshada ee Itoobiya waxa uu ka hadlayay heshiiskii ay la gaartay Somaliland in uu sax yahay, taas ayuu ka hadlayay maadaama Itoobiya arrin ay muddo dheer dooneysay, hadalkiisa waxa uu daba socday heshiiskaas ee ilama aha in uu wax cusub ka hadlay”.


 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, "in qoraalka laga saaro barta X ee wasiirku uu kusoo qoray waxa ay u muuqataa in looga saaray qaab farsamo, uma maleynayo in go’aankii Itoobiya uu wax iska bedelay inta aan ognahayna kama aysan laaban laakiin waxaa jiri kara sababo kale”, ayuu sii raaciyay.


 

Waxa uu sheegay in aysan jirin wax saan-saan ah oo haba yaraatee muujineysa in ay degtay xiisaddii u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya aysan heshiis la geli karin ilaa ay aqoonsato taasina ay weli ku howlantahay.


 

"Somaliland waxa aminsantahay in aqoonsigu uu u horreeyo markaa kadibna ay heshiis la geli karto dowladda Itoobiya, halka Itoobiyana ay leedahay marka dhulka nala siiyo ayaan aqoonsaneynaa, taas ayaa muuqata laakiin weli ma cada oo guddi farsamo ayaa loo saaray,” ayuu sii raaciyay wasiir Maxamed Mukhtaar.


 

Bilowgii sanadkan Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo dhul badeed kiro ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.


 

Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.


 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.

 

Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.


 

Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.


 

Kadib heshiiskaasi Soomaaliya ayaa muujisay caro weyn iyada oo heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland ku sheegtay xad gudub cad iyo in lasoo fara geliyay madax bannaanideeda dhuleed.

     
Loading...