Maxay Dad Badani U Aaminsan Yihiin Inaanay Ciidamada Itoobiya Ka Baxayn Soomaaliya?

Thursday June 13, 2024 - 07:20:37
Maxay Dad Badani U Aaminsan Yihiin Inaanay Ciidamada Itoobiya Ka Baxayn Soomaaliya?

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga laba nooc oo ciidan ah. Mid ka mid ah wuxuu ka hoos shaqeeyaa Midowga Afrika (ATMIS) kan kalena waxaa lagu geeyay heshiis laba geesood ah.

Kuwa ku shaqeeya magaca Midowga Afrika, ayaa ugu yaraan gaaraya 3,000 oo askari, halka kuwa ku jooga heshiiska labada dal lagu qiyaaso 5,000 ilaa7,000 oo askari oo Itoobiyaan ah, waxaana ay ka howl galaan qaybo kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dooneysa in labada ciidanba ay isaga baxaan Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Isla markii uu soo baxay warka ku saabsan in Soomaaliya ay dooneyso in ay baxaan ciidamada Itoobiya, ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Anthony Blinken, wuxuu qadka taleefoonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku booriyay "dejinta xiisadda gobolka” gaarahaan tan ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mareynkanka ayaa waligiis ka mid ahaa kuwii doonayay oo gacan ka siiyay in Itoobiya ay gasho Soomaaliya.

Maraykanka oo sidoo kale sheegay in walaaca Itoobiya ee deked la’aanta ay tahay mid sharci ah, ayaa haddana ka mid ah dalalka si cad uga soo horjeestay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Nagaraa Guddataa, oo ka tirsan Jaamacadda Adis Ababa ayaa qaba in ciidamada Itoobiya sii joogitaankooda Soomaaliya ay faa’iido ugu jirto, dalkiisa, wuxuu yiri "waan in la fahmo sababta ay markii hore u tageen Soomaaliya,”.

Nagaraa Guddataa, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Al-Shabaab, oo weli ka talisa inta badan Soomaaliya, walaac laga muujinaya "gobolka” meelo ka baxsan Soomaaliya.

"Sidaa darteed, in ciidanka Itoobiya halkaas lagu sii hayo "waxay yaraynaysaa welwelka amni ee Itoobiya. Ka-qaybgalka ciidamada nabad-ilaalinta ayaa sidoo kale ah magaca u wanaagsan Itoobiya,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inkastoo xiriirka Itoobiya iyo reer galbeedku aanu joogin heerkii hore, haddana waxa uu sheegay in ilaalinta ciidammadu ay gacan ka geysan karaan" xoojinta xiriirka".

Marka laga soo tago diblumaasiyadda iyo amniga, ayuu sheegay in ay sidoo kale u adeegsan karto ciidamadeeda in ay ku hesho "lacagaha-la bixiyo oo la siiyo dalalka ciidamada u soo diraya Soomaaliya”.

Dadka sida aadka ah uga soo horjeeday in Itoobiya ay ciidamo u soo daadgureyso Soomaaliya waxaa ka mid ah siyaasiga caanka ah ee mucaaradka ku ah dowladda barafasoor Marara.

Waxaana dadka ka soo horjeeda ay aaminsan yihiin in ciidamada Itoobiya ay ahayd inay xuduudka ilaaliyaan oo aysan gelin Soomaaliya.

"Waxay noo sheegeen in haddii aysan toddobaadyo, ku dhameyn howshaan ay bilo gudahood ku dhameyn doonaan. Sida ay nagu dhaheen,” ayuu yiri.

"Intee qof ayaa ku dhimatay, inta qof ayaa ku dhaawacantay. Shirqoolku maaha shirqool meeshaas u socday. Todoba iyo toban sano ayaa dhibaato badan jirtay,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Markii ay Itoobiya u soo dirtay ciidamadeeda si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya, way raacday nidaamka mana soo marin baarlamaanka, ayuu yiri Nagaraa.

"Kadib markii ay ciidan direen oo dagaallo badan ku dhamaadeen ayay horgeeyeen baarlamaanka," ayuu u sheegat BBC-da.

Mucaardka ayaa sheegaya in aysan jirin tan iyo markii ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya galeen , faa’iido ay gaareen ama khasaarahaay ay la kulmeen.

Barafasoor Marara ma rumaysna in muddada dheer ee ay ciidamada Itoobiya Soomaaliya ay joogeen ay faa’iido badan u soo kordhiyeen dalka.

"Uma maleynayo in dowladda lafteedu ay dalkan faa'iido badan u soo kordhisay ... marka laga reebo inay sugto dabka deriska inuu na soo gaaro gubo dalka."

Labo sano ka hor ayay ahayd markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen xadka dhanka Gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay dagaal ba’an kula galeen ciidamada Itoobiya.

Barafasoor Marara ayaa taa bedelkeeda sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirta ay tahay mid ka daran sidii hore, uuna doonayo in ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan.

"Waa maxay sababta haddii shacabka Soomaaliyeed ay idinku eegaan indhihii cadowga, dowladduna ay indhaha cadawga idinku fiiriso... waa maxay sababta aad u sii joogi kartaan?,”

Dawladii aad tiri waan ilaalinaynaa cadaw bay kuu noqotay. Waxaa laga yaabaa inay jiraan kuwa doonaya in askariga Itoobiya uu sii joogo. ... Itoobiya xoog kuma sii joogi karto dalkaas," ayuu yiri barafasoor. Marara.

Sababtaas awgeed, ayuu ku micneeyay, in ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan ay yihiin "wax macno darro ah.

"Isla markaa, waddankeena wuxuu sidoo kale ku jiraa dhibaato baahsan [dhibaato amni] ... waxaan bixineynay dadaal khaldan welina waan sii wadaa, ayuu raaciyay hadalka

Wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamada Soomaaliya aysan xal waara u noqon doonin amniga Soomaaliya. Barafasoor Marara ayaa qaba in Soomaalida qudheedu looga baahanyahay xal u helidd dhibaatooyinka dalkooda ka jira.

Qorshaha dowladda Soomaaliya ee Ciidamada Itoobiya

Dhawaan ayay ahayd markii la Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) oo ay leedahay idaacadda maxaliga ah ee Goobjoog uu sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

Dhammaadka 2024 oo qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo hawlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS, ayaa waxa socda qorshe kale oo ciidamadaasi ku sii joogayaan sanad dheeraada, inkastoo magacooda iyo waajibaadkooduba wax iska badalayaan.

Haseeyee ciidamada Itoobiya qayb kama sii ahaan doonaan hawlgalka cusub, sida uu sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay’’ ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sababta Dawladda Federaalka aanay u dooneynin in ciidamada Itoobiya ay qayb ka sii ahaadaan hawgaladda nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayuu ku sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya labada wadan.

‘’Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan.’’

Xuseen Macalin waxa kale oo uu sheegay in marka uu dhammaado xiliga ATMIS Diiseembar 2024, ay jiri doonaan illaa 12,000 oo askari oo qayb ka noqonaya hawgal cusub, kaas oo ay suurtagal noqon karto in ay qayb ka sii ahaadaan dawladdaha hadda ciidamadoodu joogaan marka laga reebo kuwa Itoobiya.



Soomaaliya waxaa jooga ciidamo ka socdo Midowga Afrika

     
Loading...