Waxay gaadhaan go'aanno adag...
Sifadda ugu wayn ee ay leeyihiin dadka maskaxda badani iyo summadda ugu wayn ee lagu garto qofka garaadka badan , waa inuu awood u leeyahay inuu garto xaqiiqda dhabta ah; falka uu samaynayo midhaha ka dambeeya.
Dadka garaadka badani waxa ay diiradda saaraan guud ahaan waxa ugu muhiimsan , waxayna u dhaqmi doonaan si waafaqsan, waxa ugu wanaagsan mustaqbalka fog; xitaa haddii taas macnaheeddu yahay inay hadda tallaabo qaadaan.
Waa kuwan siyaabaha qaar ee ay u muujinayaan sifaddaas:
1. Waxay doodaan keliya marka ay rabaan.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan waxay doortaan inay qaataan wadadda sare, sababtoo ah dhib kuma laha, mar haddii dooddu ay ku dhisan tahay kala faa'iidaysi. Waxay jecel yihiin in dhinacyo badan wax laga eego.
Dadka garaadka badani, waxay yaqaannaan marka ay tahay inay dooddaan iyo marka ayna munaasibka ahayn.
2. Waxay gaadhaan go'aanno adag.
Calaamadda garaadbadnidda ayaa ay ka mid tahay in la qaato go'aan aan qofna doonayn inuu qaato, sababta oo ah waxay garanayaan in go'aan la gaadhaa inay tahay caqli-badnaan, xitaa haddii uu qaldan yahay, marka loo eego in aan wax go'aan ahba la qaadan!
3. Waa kuwo u heellan hawshooda .
Dhabtii, kama warwaraan waxyaabaha ka mashquuliya shaqadooda ama marka ay dibdhigasho ku timaaddo. Waa maxay sababtu? Sababtu waxa ay tahay, marka carqalad ku timaaddo shaqadooda, waxa ay dib u eegaan muhiimadda hawshooddu u leedahay , kaddib si macquul ah ayaa ay u go'aamiyaan , waxaana u soo baxda in carqaladda ama waxa ka jeedinaya waxqabadkooddu aannu wax faa'iido ah u lahayn. Sidaasna waxay isaga ilaaliyaan wixii ka mashquulinaayay hawlqabadkooda.
4. Waxay ka fikiraan xalka.
Marka ay caqabad qabsato, waa kuwo ka fikira xalkeeda. Hala-abuurkooda ayaa ay ku keenaan xal degdeg ah oo cusub oo aan ahayn kii la yaqaanny.
5. Waa kuwo masuul ah.
Waxay qaadaan masuulliyada khusaysa ficilkoodda iyo aqoontooda.
Waxaad ku hubsan kartaa, waa dadka keliya ee kuu sheegaya inayna waxaas garanayn .
6. Waxay sheegaan waxa loo baahan yahay in la sheego.
Marka ay qofka la hadlayaan, haddii hadalka qalafsan ku habboon yahay; haddii hadal naxariis leh iyo mahadnaq ku munaasib yahayba, dadka garaadka badani waxay ku hadlaan waxa maskaxdoodu siiso. Waxay yaqaannaan hadalka godkiisa.
Waa kuwo garanaya qiimaha hadalka, sidoo kale waa kuwo garanaya qiimaha aamusnaanta.
7. Waa kuwo eryadda maalintooda.
Dadka garaadka badan waa kuwo eryadda maalintooda, laakiin maaha kuwo ay maalintu eryayato! Waa kuwo xakameeya waqtigooda, una adeegsada sida ugu wacan, ee ugu macquulsan.
8. Waxay garanayaan waxa ay doonayaan.
Dadkani wax kasta oo ay samaynayaan waxay ka leeyihiin ujeeddo ; waxayna si kooban u garanayaan waxa kasoo baxaya xaallada ; haddii ay waxba ka garan waayaan, si degdeg ah ayay isaga tagaaan.
W/Q: Maxamed Haybe Axmed