Maxay dadku taleefanada ugu keydsadaan sawiro ay qaawan yihiin?

Tuesday June 18, 2024 - 07:52:41
hadhwanaag
Gabadhaan ayaa madax ka ah waaxda filimada ee dalka Spain.


Marar badan ayaa la maqlaa in sawiro qawani ah oo qof leeyahay lagu soo daabacay meelo mahwi ah. Rag iyo dumar intaba waa la baahiyay sawiradooda.


 

Hadaba dhawaan waxaa soo shaac baxay qiso ku dhacday gabar u dhalatay Spain oo lagu magacaabo Patricia Franquesa oo iyadu muuqaal dheer ka sameysay sidii wax ugu dhaceen.


 

Gabadhaan ayaa madax ka ah waaxda filimada ee dalka Spain.

 

Hadaba sheekada ku dhacday gabadhaan ayaa mashaqadeedu bilaabay markii koox tuugo ah ay kaxadeen laptop-keeda iyada oo fadhida baar ku yaalla magaalada Madrid, kadibna la jabsaday.


 

Saddex bilood ka dib, kooxdii jabsatay laabtobkeeda ayaa la soo xiriiray, waxayna ka dalbadeen lacag, iyaga oo ugu hanjabay in ay faafin doonaan sawirada gaarka u ahaa ee ugu kaydsanaa halkaas haddii haddii ay bixin waydo dalabkooda.


 

Franquesa, hubaashi ma garanayso, ilaa hadana wali ma garaynayso in qofka isku dayay inuu baad ka qaado uu yahay kii xaday laptop-keeda iyo inkale.


 

Si ay dareenkeeda dhacdadaas aysan u iloobin waxay Franquesa, samaysay filim Documentary oo qayb qayb ah kaas oo ay ku soo bandhigay dhacadadii ku dhacday


 

Najiitadu waxay noqotay in la soo bandhigao filimka loogu magacday ‘My Sextortion Diary’ kaas oo lagu soo bandhigay mahrajaanka ee Sheffield.


 

"Samaynta dokumentari waxay ahayd dariiqa aan ku heli karo xoogaa xakamayn iyo awood ah," Franquesa ayaa u sheegtay BBCda. Waxay intaas ku dartay "Waxay ahayd dariiqaygii aan ku ilaalin lahaa naftayda, ma aha inaan naftayda dhiban oo aan i siiyo qayb ka mid ah, waxay la mid tahay dhisidda xumbo."


 

Franquesa, waxay dhacdada ku dhacay ku sifaysay sida mugdi oo kale.

 

Qaadista, kaydinta iyo dirida sawirada qaawan waa wax caadi u ah jiilka dhan ee ku soo koray internetka,taasina ay iridaha u furayso adduun dhan oo khatar ah.


 

"Aabahay waxa uu sawiro ka qaaday hooyaday oo xiran lebbiska dabaasha oo laga yaabo in xoogaa la arkay," Franquesa ayaa iyadoo dhoolla caddaynaysa dib u xasuusanaysa waayihii u muuqday mid la barbardhigay. " ayey tiri Franquesa


 

Kuwii jabsaday labtoobkeda, waxay gabadhay tuseen sida ay yihiin kuwa daran, waxayna sawiradeeda ku daadiyeen baraha bulshada oo qoyskeeda iyo asxaabteedu markii danbe ay ka arkeen halkaas.


 

Laakiin Franquesa, waxay samaysay waxoogaa horumar ah markii ay booliska u qortay warqad si ay ugu sheegto inay xinibaan ka dibna boolisku markii ay baareen muuqaallada CCTV ee maqaayadda.

 

Hadaba maxay dadku u kaydsadaan sawiro aysan asturnayn?


 

Si la mida Franquesa, waxaa jira haween ah badan oo siyaabo kala duwan loo soo bandhigay muuqaalo iyo sawiro ugu jiray teleefoonkooda ama kumbuyuutaradooda, kuwaas oo ay dadka jabsadaa ku xiraan shuruudo kala duwan.


 

Waayadii danbe waxa baraha bulshada Soomaalida lagu arkayey gabdho badan oo Soomaaliyeed oo ka cabanaya in la faafiyey sawiro aan munaasib ahayn oo ugu kaydsanaa telefoonkooda balse laga jabsaday .


 

Hadaba waxaa jawaab u baahan, maxaa loogu baahdaa in sawiro qaawan lagu haysto teleefonada ama Kumbuyuuyarada?


 

Waxaan isku daynay in aan la xiriirno dhawr gabdhood oo si aan u ogaano sababta ay haweenka oo u badan kuwa muuqaladooda la baahiyo ay u duubaan jirkooda oo aan asturnayn.


 

Mid ka mid gabdhihii aan la xiriirnay oo aynaan magaceeda baahin doonin ayaa BBCda u sheegtay in tani tahay wax dabiici ah oo haweenku ku raaxaystaan daawshada quruxda jirkooda oo ay mararka qaar u kaydsadaan xasuus ahaan.


 

Balse sababta ay u doonayaan in ay u duwaadaan jirkooda oo aan asturnayn haweenka qaar ayay ku macneysay, "In kalsooni darro ay hayso, oo aysan ku qanacsanayn sida ay u egtahay,"


 

Balse sida qanaacada ay uga heli karaan ayay ku macneysay in ay dib isu daawadaan, kadibna ay si nafsi isaga dhaadhiciyaan quruxda dheeraad ah oo jirkoodu leeyahay.


 

Waxaa kale oo jiri kara sababo intaa ka badan oo ay dadka qaar isaga duubaan muuqalada aan asturnayn.


 

Balse sida lagu daabacay cilmibaarisyo hore oo la daabacay, dadka qaar ayaa ku fasiray sababta ay isu duubaan xiriirka tooska ah ama waji ka wajiga ah oo aan joogto ahayn qarnigaan 21 aad ee tiknoolajiyadu heerka sare gaartay, sidaas daraadeedna ay aadanuhu rabaan in ay wali dareemaan qiimaha shaqsi ahaaneed, taas oo ku hugaamisa in ay duubaan muuqaaladaas, si ay si uun isugu arkaan.


 

Waxaa la sheegaa mararka qaar sababta dadku isku duubaan iyaga oo qaawan in aanayba la xiriirin dareen.

 

Waxaa jira haween la baahiyay muuqaalo aysan asturnayn ama qaawan yihiin oo lagu daabacay internet ka, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.

isha/bbc/somali

     
Loading...