DEG DEG Dawladda Itoobiya oo Sheegtay In Is- Fahamka Dhexmaray Somaliland uu Bog Cusub u Furay Geeska Afrika.

Wednesday June 05, 2024 - 10:34:03
Hadhwanaagtv
"Heshiiska Is-fahamka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya...



Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee dawladda Federaalka Itoobiya H.E Alemu Sime, ayaa sheegay in Heshiiska dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddankiisu ahmiyad weyn u leeyahay isku-xidhanka iyo horumarka geeska Afrika.


 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Reysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa saxeexay is-faham Taariikhi ah oo dhex maray labada dal bishii Janaury ee sanadkan, kaas oo ku taxaluqa inay heshiis rasmi ah ku gaadhaan is-dhaafsi danneed oo uu dhinac waliba fursad muhiima ka raadinayo.


 

H.E Alemu Sime, khudbad u jeedinayey Baarlamanka dalkiisa maalintii shalay ayaa heshiiska is-faham ku tilmaamay mid bog cusub u furaya geeska Afrika.


 

"Heshiiska Is-fahamka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya waxa uu furi doonaa bog cusub oo iskaashi oo muhiimad weyn u leh isku xidhka Geeska Afrika” ayuu yidhi Alemu Sime.


 

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa guddiyo farsamo u saaray dhamaystirka heshiis rasmi ah oo laga gaadho iskaashiga labada dal iyo xudunta isfahamka oo ah inay Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

     
Loading...