Masar oo sheegtay in aanay oggolaan doonin in dal gaar ahi jabiyo sharciga caalamiga ee Nile

Monday August 25, 2025 - 12:38:25
hadhwanaagnews
Masar waxay Itoobiya ugu digeysay in aanay sii wadin in ay biyo-xidheenka



Kaddib markii lagu dhawaaqay in biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya la furayo bisha Sabtember ee sanadka dambe ayey Masar waxay u sheegtay dhowr dal oo Afrikan ah in aanay aqbaleyn "tallaabo kasta oo hal dhinaca ah ee biyaha Nile taas oo jabineysa qeynuunka caalamiga”. Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Axmed Cabdil-caadi ayaa hadalkan si gaar gaar ah khadka teleefonka ugu sheegay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sudan, Sudanta-koonfureed, Uganda, Kenya, Djibouti iyo Somalia.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadd Masar ayaa soo baxay kaddib markii dhawaan ay Itoobiya ku dhawaaqday wajiga shanaad ee biyo-xidheenka dhismihiisu uu qaatay 14-ka sano kaas oo ay ku baxday shan bilyan oo doolar, waxaana la dhameyn doono lana furi doono bisha Sabtember ee sanadka dambe.

Masar waxay Itoobiya ugu digeysay in aanay sii wadin in ay biyo-xidheenka ka buuxiso biyo, wayna ku celcelisay iyadoo sheegtay in uu jiro sharci saddex geesood ah oo ay wada galeen dalalka uu maro wabiga. Masar waxay ku celisay mowqifka ay ka taagan tahay biyo-xidheenka. Warbaahinta Masar waxay sheegeen in wasiirka uu diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo la xidhiidha biyaha wabiga taas oo jabineysa qeynuunka caalamiga.

Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu markale sheegay sida madaxda Masar ay ugu celcelinayaan in biyaha ay u yihiin Masar badaado isagoo sii xoojiyay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo qeynuunada caalamiga ee lagu wadaago kheyraadka biyaha.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi uu dhawaan ka digay in dalkiisa aanu marna ogolaaneyn in qeybtooda biyaha wabiga Nile ay wax iska badalaan. "Waxaan u xaqiijinayaa dadka reer Masar in aan marna ogolaaneyn biyaha ay ku tiirsan yihiin 105-ta milyan ee muwaadiniinta ah iyo 10ka milyan ee shisheeye in la taabto,” ayuu yidhi madaxweyne al-Sisi.

Al-Sisi oo si weyn uga horjeeday dhismaha biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya markii la bilaabayay iyo shanta qeybood ee biyaha laga buuxinayo ayaa sidoo kale dhawaan ku cadeeyay hadal ay si wadajir ah isulo soo saaren madaxweynaha Uganda in dalkiisa aanu ogolaaneyn tallaabo kasta oo hal dhinac ah.

"Cid walba uu u maleysa in Masar ay iska dhagatiri doonto khataraha dibadda uga imaanaya biyaheeda in ay khaldan tahay. Waxaan sii wadeynaa in aan xaalada la socono, waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu ilaalinyo kheyraadka dadkeena ku tiirsan yihiin iyadoo la raacayo qeynuunada caalamiga” ayuu yidhi Al-Sisi. Wadahadalka wasiirka arrimaha dibadda Masar uu la yeeshay qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaa ka turjumaya mowqifka madaxweynaha. Wasiirka wuxuu sheegay nidaamka lagu maamulayo biyaha wabiga waa in ay ahaadaan kuwa ku saleysan faham labada dhinac ah.

Waxaa la sheegay in wadahadalada uu wasiirka arrimaha dibadda Masar la yeeshay dalalka Afrika in lagu xoojiyay muhiimada ay leedahay iskaashiga lagu xaqiijinayo faa’ido ku saleysan qeynuunada caalamiga. Itoobiya waxay diiday sheegashada Masar ee ah in isticmaalka biyaha lagu saleeyo xeerarkii hore iyadoo sheegtay in heshiiskii gumeysiga ee 1959-kii uu ahaa mid siinaya Masar biyaha ugu badan ee wabiga. Heshiiska waxa uu dhigaya in Masar ay hesho 55.5 bilyan oo kuyuubic oo biyo ah halka Sudan ay tahay in ay hesho 18.5 bilyan oo kuyuubic oo biyo ah, taasna Itoobiya waxay u aragtaa mid aan ku saleysneyn cadaalad oo aan sax aheyn.

84 bilyan oo kuyuubic oo biyo ah ayaa sanadkii mara wabiga. 12 boqolkiiba waxay ku dhamaadaan uumi-bax. Heshiiskan waxaa si weyn uga faa’idayay Britian oo aheyd dalka iibsada cudbiga ugu badan ee Masar. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo 15 boqolkiiba biyaha wabiga ay ka yimaadaan dalkiisa ayaa bartiisa bulsho soo dhigay in Masar ay si weyn uga faa’ido heshiiska.

"Waxaa loo baahan yahay in xaalada Nile si weyn loo eego. Mararka qaar dhibaatada waxay ka timaada sida aan u wajahno. Hakii aan diirada saari laheyn xuquuqihii hore, waa in aan tixgelinaa danaha adduunka ee dalalka uu maryo wabiga”, ayuu ku qoray bartiisa X. Museveni wuxuu kaloo sheegay in dhammaanteen aan u baahanahay in aan ka faa’ideysano oo aan biyaha u isticmaalno, koronto, waraab iyo kuwa la cabo. Itoobiya waxay muddo dalbaneysay heshiis cadaalad ah oo lagu isticmaalayo biyaha wabiga kaas oo xaqiijinaya saamigooda.

     
Loading...