Hay'adda WHO oo sheegtay in Macaluul iyo daryeel la'aan caafimaad ay ka jiraan qaybo ka mid ah Suudaan.

Sunday September 07, 2025 - 14:58:22
hadhwanaagnews
Dr. Tedros wuxuu ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya....


 Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom, ayaa sheegay in gobollo ka mid ah dalka Suudaan ay wajahayaan macaluul iyo adeeg la’aan caafimaad oo daran, taasoo ay sabab u yihiin dagaallada sokeeye ee dalka ka socda.

Dr. Tedros wuxuu ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in aanay ka hor istaagin gargaarka aadanaha, isagoo sheegay in cid kasta oo carqaladaysa gargaar bixinta ay ku dambayn karto dambi dagaal.

Dhanka kale, dhakhaatiirta madaxa-bannaan ee Suudaan ayaa xaqiijiyay in 17 qof ay dhinteen halka ku dhowaad 100 qof ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada RSF ay madaafiic ku garaaceen magaalada Al-Fashir ee waqooyiga Darfuur.
     
Loading...