Hargaysa (HWN) Musharaxa
Madaxwayne ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
Ciro ayaa sikulul uga jawaabay dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo xafiiska xeer ilaaliyaha Somaliland ugudbiyay
Maxkamada Sare, taasoo maxkamaduna gudoomiye Khaliif uqabatay in uu todoba
cisho kaga soo jawaab.
Musharax ciro ayaa
qoraal uu kaga hadlayo dacwadaasi uqoray sidan:-
Warqadda Xeer
Ilaaliyaha Guud u qoray Golaha Wakiilada ee ku taariikhaysan maanta iyo
warqadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda
JSL waxa ay marag cad ka yihiin in awooddii Dastuuriga ahayd ee Golaha
Wakiilada JSL ay toos ula wareegtay Waaxda Garsoorku iyada oo Dastuurku kala
madax bannaaneeyey waaxyaha Qaranka JSL ee kala: Garsoorka, Sharci dejinta
& Fulinta.
In mundane ka tirsan
Golaha Wakiilada oo la eedeeyey laga qaado xubinnimada oo Golaha laga saaro,
waxaa waajibkaas gaar u leh Golaha Wakiilada waxaa loo raacayaa Dastuurka
Qaranka qoddobka 79aad iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada, in meela kale
awooddii maroorsato waa gef iyo faro-gelin qaawan, waa arrin laf-jab iyo
dhaawac ku keenaysa kala madax bannaanaantii Dastuurku waajibiyey, nidaamka
Dawladnimada waaxyaha kala madax bannaani xilalka iyo awoodaha iskuma qabsan
karaan.
Taariikhda maaha markii
ugu horreysay ee mundane la eedeeyo ama Golaha laga saaro. Intii aan annigu aan
Guddoomiyaha ahaa dhawr mudane baa laga saaray Golaha, balse waajibkaa ka
saarista xubinta ee Golaha ama maamuus
ka xayuubinta waxaa iska lahaa Golaha Wakiilada oo keliya maadaama Xubnaha
Golaha Wakiiladu ay leeyihiin dhowrsanaan la mid ah ta uu leeyahay
Madaxweynuhu.
Aqalka Golaha Wakiilada
waxa ku waajib ah isaga oo raacayaa Xeer hoosaadkiisa iyo Dastuurkaba ka
falcelinta talaabadan ugubka ah ee ay Waaxda Garsoorku u qaadday dhanka sharci
jabinta iyo maroorsiga awooddii Golaha.
Ugu dambeyn, waxa aan
leeyahay; ciddii sharciga aynu dhigannay ku tumataa iyada ayaa luminaysa
sharciyaddeeda iskana xayuubinaysa wixii sharcigu siiyey.” Ayuu qoraalkiisa ku
soo gaba gabeeyay Musharax Ciro.