Xildhibaan Guruje Oo Taxay Dhibaatooyinka Dul-hoganaya Shacabka Somaliland

Wednesday July 20, 2022 - 09:58:11
Hadhwanaagtv
" Qofka Soomaaliland u dhashey ee dhex joogaa cadaabal qabri ma leh ".

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Axmed Nuur Guruje oo kamid ah  Golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay haystaan dhibaatooyin badan kuwaasi oo ayna jirin dawlada ka caawisaana.


Xildhibaanka ayaa qoraal uu kaga hadlayo dhibaatooyinka faraha badan ee haysta shacabka Somaliland ku nool ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-


" Qofka Soomaaliland u dhashey ee dhex joogaa cadaabal qabri ma leh ".

Nolosha aduunyadda oo dhami Hadeer waa cidhiidhi, hasa ahaatee dawladaha ayaa dadka ka caawiya oo gacansiiya .


Somaliland iyadoo la qabta aduunyadda waayaheeda hadana dhib kasta dadka ayaa tuurta u ritay oo ay kusoo muruxsatay.


Caafimaadka, Biyha, tacliinta, Nalka wax walba qofkaa is dabaraya , waana sababta dadka waawayni macaan, dhiigkar iyo dawakhaad u wada qaaday.


Sidaa markey tahey waxaa intaa u dheer , cabsi, warwar iyo baqdin joogto ah oo kaga imanaysa hogaamiyeyaashii ay horseedka ka dhigteen oo habeen Iyo maalin isku dul haysta oo kala qabtaay kala celiyaay doodu u dheer tahay.


Si kastaba ha ahaatee hadii qofka bada ku dhinta ama biyaha, iyo ka dabka ku dhinta iyo ka caloosha u dhinta la yidhi cadaabal qabri maleh , dhibka aduunka kusoo gaadhey awgii waxaad is odhansysaa qofka somaliland u dhashay ee dhex joogaa cadaabal qabri ma leh.” Ayuu ku yidhi Xildhibaanku qoraalkiisa

     
Loading...