Halka aad ku nooshahay waa inay ahaataa meel ammaan ah marka loo eego goobaha kale.
Taasina waa sababta loo hubiyo in gurigu ammaan yahay si loo ilaaliyo badqabka dadka ku nool. Laga soo bilaabo daaqadaha, albaabbada, derbiyada dhaadheer, xarkaha korontada, kaamirooyinka qarsoon ee CCTV iyo xitaa waardiyeyaasha.
Si aan u ilaalinno nafteenna, waxaan inta badan ka fekernaa khatarta inay na soo weeraraan xayawaanno, tuugo amaba burcad, innaga oo mararka qaar dhayalsanna inay jiraan khatarro kale oo aan maalin walba wajahno innaga oo aan xitaa ka warqabin inay ka halis badan yihiin kuwaas kale ee aan xusnay.
Alaabta qaar ee guriga taalla ee maalin walbana la isticmaalo, ayaa qaarkood ah kuwo khatar ah oo sababi kara dhimasho, dhaawac amaba burbur hanti.
Kuwo badan ayaa jira, balse shantan soo socota ee guryo badan yaalla ayaa ah kuwa ugu khatarta badan ee aad u baahan tahay inaad fiiro gaar ah u yeelato.
Waxaa jira khubarro dhanka ammaanka ah oo gaaska cuntada lagu karsado ku tilmaama inuu yahay 'bambo sugeysa inay qaraxdo'. Haddii aad dooneyso inaan degdeg wax u karsado, gaasku waa tama fiican wuuna ka fudud yahay dhuxusha amaba qoryaha.
Khubarrada arrimaha deegaanka ayaa dadka ku dhiirrigelinaya isticmaalka gaaska, sababo la xiriira iyaodo la dhowrayo deegaanka lagana baaqsanayo isticmaalka dhuxusha iyo qoryaha.
Sidaas darteed, isticmaalka gaaska ee dunida ayaa labo laabmay marka loo eego qarniyadii hore, iyadoo gudaha qaaradda Afrika uu caan ka noqonayo gaaska.
Marka laga soo tago faa'iidada gaaska cuntada lagu karsado waxaa jirta inuu yahya khatar haddii aan si fiican looga taxadarin isticmaalkiisa. Ugu horreyn, gaaska wuxuu u kala baxaa saddex qeybooda, mid dabiici ah, gaas batrool ah oo dareere ah iyo gaaska hawada, gaasku waa mid holac sababi kara. Tusaale ahaan gaaska nooca butane waa mid si degdeg ah u holci kara.
Gaasku wuxuu sii daayaa hawada kaarboonka oo sun ah taas oo si degdeg ah uu dab uga kaco, si degdeg ah ayuu qarax u sababaa sida bambo.
Si aad badqabkaaga u ilaaliso, raaca shuruucda iyo tilmaamaha isticmaalka gaaska.
Khubarradu waxay leeyihiin ha ruxin gaaska si aad u ogaato inuu dhammaaday iyo in kale.
Waxaa jirta in guryaha la geliyo koronto, balse waxaa jira xarko koronto oo loo isticmaalo sida dabeynta teleofonnada, kombiyuutarrada, feereynta dharka iyo wixii la mid ah.
Balse xarkahan qeybisada ah ayaa khatar badan sababi kara marka la eego qaab sameyskooda waana in aad looga taxadaraa marka la isticmaalayo.
Gudaha dalka Mareykanka, meelo badan dabka ay sababaan xarkaha qeybisada ayaa ka badan waxyaabaha kale ee halista sababa.
Inta badan dadku waxay jecel yihiin inay guryaha dhigtaan alaab sida kuraasta fadhiga, miisas, armaajo iyo qara kaloo badan. Alaabtan ayaa waxaa lagu dhaldhalaaliyaa ranji si ay u noqdana kuwo soo jiidasho leh.
Waxaajira alaab diyaarsan oo hore loo dhalaaliyay iyo kuwo u baahan in mar walba la mariyo waxyaabaha lagu dhalaaliyo, mar walba oo guriga la nadiifinayo.
Waxaa laga yaabaa in alaabtan la dhalaaliyo labo jeer toddobaadkii amaba xitaa si malainle ah balse waxyaabaha la adeegsado ayaa sababi kara holac. Haddii uu dab qabsado, amaba haddii ay dab u dhow yihiin waxay sababi karaan dhibaato baaxda leh.
Marka laga soo tago gubashada, ranjigan lagu dhalaaliyo alaabta waxaa ku jira maaddooyin kiimiko ah sida phenol iyo nitrobenzene, haddii ay jirkaaga taabtaan waxay sababi karaan kansar.
Inta badan saabuunnada dila bakteeriyada waa kuwa lagu qubeysto. Waxaa la sheegaa inay u fiicna yihiin la dagaallanbka bakteeriyada iyo waxyaabo kale oo sababi kara xanuunno.
Balse saabuunnadan waxaa ku jira waxyaabo kale oo lagu daro si sare loogu qaado waxtarkooda waxaana ka mid ah maaddooyinka triclosoan iyo triclorcarbon kuwaas oo dhibaato u leh bani'aadamka.
Inkastoo la oggol yahay isticmaalkooda marka la is barbardhigo faa'iidadooda iyo khasaarahooda, haddana weli dhibaato ayay sababi karaan haddii aan laga taxadarin.
Dad badan ayaa suuliyada u isticmaala waxyaabaha lagu nadiifiyo.
Sida saabuunnada bakteeriyada dila, kuwa lagu nadiifiyo suuliyada ayaa waxaa ku jira maaddooyin badan oo kiimiko leh. Walxahaasi dhibaato ayay u sababi karaan jirkaaga amaba indhahaaga xitaa. Waa halis marka lagu milo waxyaabo kale oo dila jeermiska.
Waa muhiim in la isticmaalo
gacmo-gashi marka aad nadifineyso suuliga amaba aad weelka ay ku jiraan
geyneyso meel kale.
BBC