Xisbiga Waddani Oo Ammaanay Arin Uu Sameeyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland

Sunday December 27, 2020 - 09:46:23
Hadhwanaagtv
"Ciidanka Boolisku Wuxu Baahi Weyn U Qaba Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Kale"

Hargaysa (HWN) Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa usoo jeediyay hogaamiye Muuse Biixi In ciidanka Booliska Somaliland loo dhiibo taliye xilkaasi gudan kara, sida  taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland oo uu afhayeenku ammaanay.

 

Afhayeen Barkhad ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay, oo udhignaa sidan:- Ugu horreyn waxaan si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadin ugu diraya dhammaan Maxaabisti shalay ku qalin-jebisay jeelka weyn ee Magaaladda Hargeysa, marka xigtana waxaan bogaadin labaad u diraya Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, Ciidankiisa Asluubta oo dhan iyo Maamulka, Madaxda Jaamacadda BEDER.


Tallaabo qiimo weyn u leh qarannimadeena, Maxaabiisteena, Ciidankeena Asluubta ayaa shalay la qabtay, Xeerkeena Ciqaabta iyo xeerarka kale ee duniduba waxa ay dhigayan qof kasta oo Maxbuus ahi muddada xadhigiisa in loo sameeyo "Rehabilitation and Skill center" Xarun maankiisa lagu kobciyo maskax ahaan iyo meel lagu baro xirfad oo isagoo maxbuuski muruq maal ah bulshadi muddada dheer u ka xidhnaana marka la soo daayo la jaan-qaadi karo, Isaga oo kaalin ka qaadan kara nolosha bulshada balse aan aheyn mid dib ugu noqonaya dembiyadi horre ee u galay.


Arinta shalay dhacday waxa ay ina tusaysaa Aqoonta hoggaamineed ee Taliyaha Ciidanka Asluubta, Oo runti gartay xuquuqda muwaadiniinta xabsiyada ku jirta iyadoo marka horrena Ciidanka Asluubtu yihiin kuwa aad ka arkayso Asluub iyo Amaano marka aad Xabsiyada booqato tababar wacanna qaba.


Haddaba waxaa habboon in Ciidankeena Booliska oo Saaxiibka dadweynaha ah laakin Sibitoor dadweyne loo eekaysiiyey loo helo Taliye aqoon ciidan leh, Xuquuqaha ciidankana ilaalin kara sharafta shacabkana dhowri kara .


Talladeydu waxa ay tahay Ciidanka Boolisku Taliyaha Ciidanka Asluubta oo kale ayuu u  baahan yahay Mudane' Madaxweyne.

     
Loading...