Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Oo Safar shaqo ku Tagay Itoboobiya.(Sawiro)

Saturday March 29, 2025 - 10:22:08
hadhwanaagnews
Kulankan oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga..


May be an image of 7 people and aircraft
Taliyaha guud Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay , halkasoo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Ethiopia Commissioner General Demelash Gebre michael.

Kulankan oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada ciidan boolis iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia ee dhinaca amniga.
Intii uu ku sugnaa Ethiopia, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL iyo wafti sare oo hogaaminayaay oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale booqday Forensic institute Ethiopia iyo Jaamacadda Sandafa ee Booliska Ethiopia Halkaasi ay waxbarasho u joogaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska JSL.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn dalka dib ugu soo laabtay , waaxaana garoonka Diyaaradaha ee Cigaal kusoo dhaweeyay Taliye Xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Guuto Daahir Cali Wacays iyo saraakiil sare oo ka tirsan Taliska guud ee Ciidanka Booliska.
May be an image of 4 people
May be an image of 8 people and suit
May be an image of 12 people, aircraft and text
May be an image of 8 people and text
May be an image of 4 people
May be an image of 7 people and aircraft



     
Loading...