Xukuumadda Somaliland ayaa si diirran u soo dhaweysay go'aanka ay Kenya ku aqoonsatay Kosovo, oo ka go'day Serbia.

Friday March 28, 2025 - 15:07:09
hadhwanaagnews
"Waxaan ugu baaqayaa Kenya iyo dalalka kale ee Geeska Afrika



Somaliland ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid dhiirrigelinaysa dadaallada ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah, gaar ahaan mid ka yimaada dalalka Afrika.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa ugu baaqay Midowga Afrika in ay taageeraan madax-bannaanida Somaliland.

 

"Waanu bogaadinaynaa tallaabada ay Kenya qaaday ee ay ku aqoonsatay Kosovo. Go’aankan wuxuu xoojinayaa dadaalladayada ku aaddan helitaanka aqoonsi, gaar ahaan Afrika dhexdeeda,” ayuu yiri wasiirka.

 

Waxa uu intaas kusii daray: "Somaliland waa dal madax-bannaan oo wax badan ka tari kara nabadda iyo horumarka gobolka.”

 

Wasiirku waxa uu xusay in Somaliland ay aqoonsi u raadineyso si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay xaqiijinta yoolkeeda.

 

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ugu baaqay dowladda Kenya in ay qaaddo tallaabo kale oo ay si rasmi ah ugu aqoonsato Somaliland, isaga oo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir adag, isla markaana ay Somaliland hoy u tahay ku dhowaad 10,000 oo Kenyan ah.

 

"Waxaan ugu baaqayaa Kenya iyo dalalka kale ee Geeska Afrika in ay garawsadaan xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi, maadaama ay tahay dal dimuqraadi ah, nabdoon, isla markaana leh dowlad shaqaynaysa oo ku dhisan rabitaanka shacabkeeda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

 

Somaliland ayaa in ka badan 30 sano raadineysa aqoonsi caalami, kadib markii ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, balse wali ma aysan helin aqoonsi rasmi ah, wuxuuna caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

 

Aqoonsiga Kenya ee Kosovo

Dowladda Kenya ayaa shalay si rasmi ah ugu biirtay dalalka aqoonsaday Jamhuuriyadda Kosovo oo ku taalla Bariga Qaaradda Yurub.

 

Kosovo waxay sannadkii 2008-dii ka go’day dalka Seerbiya, waxaana hadda aqoonsan in ka badan 120 waddan.

 

94% dadkeedu waa Muslimiin, tirada dadka ku noolna waxaa lagu qiyaasa 1.6 Million oo ruux.

 

Aqoonsiga Kenya ayaa wuxuu sii xoojin doonaa in Kosovo kursi buuxa ku yeelato Qaramada Midoobay.

 

Si kastaba, tallaabadan ayey Somaliland u aragta mid ku dhiirrigelinaysa ka miro-dhalinta dadaallada aqoonsi raadinta, maadaama uu haatan xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo dowladda Kenya. Inkasta oo Kosovo iyo Somaliland ay isku khaanad ku jirin oo Kosovo ay hore u aqoonsadeen in ka badan 120 waddan.

     
Loading...