Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kulamo ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Thursday November 05, 2020 - 09:55:03
hadhwanaagtv
Ujeedada ugu weyn ee wafdigaan ayaa ah socdaal a


Wafdi uu hogaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya Genaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Wasiirdulaha Wasaraadda Maaliyadda Soomaliya Mudane Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa waxaa uu kulamo looga hadlayo amniga uu ka bilaabay deegaanka Carmo ee gobolka Bari.

Ujeedada ugu weyn ee wafdigaan ayaa ah socdaal ay ku marayaan magaalooyinka Puntland si ay u soo qiimeyaan amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, iyo sida ay shaqeeyaan ciidamada Booliska ee Puntland.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu kulan uu la qaatay Taliyaha qeybta booliska Gobolka Bari iyo saraakiil kale, kuwaasi oo ka wadahadlay amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Dqaacish.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa waxaa uu ku dheeraday ka hadalka amniga guud ee gobalka Bari isagoona sheegay in amniga uu yahay mid wanagsan..

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Xijaar oo Axadii lasoo dhaafay gaaray deegaanada Puntland, ayaa booqanaya goobaha doorashooyinka xildhibaanada federaalku ka dhacayaan sida Garoowe iyo Boosaaso.

     
Loading...