Waxaan ugu horeyn salaamayaa dhamaan bahda warbaahinta
meel kasta
oo ay joogaan waxaa kale oo aan salaamayaa bulshadda ku xidhan
warbaahinta .
Waxaan maanta inyar ka qorayaa waxa ay tahay dawlad wanaag ee
aasaaska u ah ama tiiran .waxaan u doortay maqaalkan waxay tahay
habacsanaant baahsan ee jirta Somaliland iyo somalia waqtigan
xaadirka .
Dawlad wanaag marka la doonayo waxaa shardi u ah ama aasaas waxay
tahay 8 rukun ama tiir .haddi aanay jirin rukunadaasi waxay noqoneysaa
dawlad xun waxaana ka mid ah tiirarkaai-
1- Ka ´qeybgal (Participation) Waxay macneehudu ay thay in
dawlad wanaag ay ka qeyb galaaan ragga iyo dumarku .wuxuuna noqon karaa
ka qeybgalkaasi hay,ada dhexe sharicga ah .
2- Xeerka sharicga( Rule of Law) Qodobkan labaad wuxuu ka
hadlayaa dawlad wanaagu wuxuu u baahan yahay sharci cadaalad ah.isla
markaani si dhexdhexaad ah loo meelmariyo,waxa kale ay u baahan tahay
ilaalilnta xuquuqda aadanaha gaar ahaana kuwa laga tirada badan yahay-
3- Furfurnaan ( Transparecy) furfunaan macaneedu waa go,aamada la qaatay dhaqankalkoodu wuxuu u dhacayaa qaab taas oo raacaya xeerka iyo qawaaniinta-
4-
Jawaabid ( Responsiveness) dawlad wanaagu wuxu u baahan yahay hay.adaha geedi socodka wuxuu isku dayaa inuu u adeego dhaman saamileyda.
5. Isutanaasulka( Consensuss oriented) Dawlad wanaag waxay u
baahan tahay dhexdhexaadinta danaha kala duwan ee bulshada si loo gaaro
isfahan balaadhan oo bulshada dhexdeeda ah ee ku saabsan waxa danta
ugu wada wanaagsan bulshada, Waxaa sidoo kale loo baahan yahay aragti
balaadhan si loo gaaro yoolka .
6- Sinaan iyo ka wada qaybgal ( Equity and Inclusiveness)
Bulsho wanaaga waxay ku xidhan tahay hubinta in xubneheeda oo dhami ay
dareemaan inay leeyihiin saamiga. Tani waxay u baahan tahay dhmaan
kooxaha laakiin gaar ahaan ugu kuwa ugu nugul-
7- Waxtarka iyo Hufnaanta ( Effectiveness and Efficienty)
dawlad wanaagga waxaa loola jeedaa geeddi-socodka hay,aduhu
waxay soo saaran la kulmo baahida bulshada aad sida ugu fiican u
adeegsanyso kheyraadka ay isticmaali karaan- Fikrad ah hufnaanra xaalada
maamul wanaagga wuxuu kale oo uu daboolaayaa isticmaalka dabiiciga ah
ee waara kheyraadka iyo ilaalinta deegaanka.
8 -
Xisaabtanka ( Accountability )
La xisaabtanka ayaa ah shuruud muhiim ah wanaagga dawadladnimda.
Kaliya maaha dawaladda hay,adaha iyo sidoo kale waaxda gaarka loo
leeyahay iyo ururada bulshada rayidka waa inay ahaadaan lagula
xisaabtami karo shacabka iyo kuweena.
Waxaan intaas ku soo koobayaa maqaalkan aan kaga faaloonaayey waa
maxay maamul wanaag ,waxaan u rajeynaa dhaamaan akhristaaysha qiimaha
leh inay ka faa,iideysandoonaan , Waxaa kale oo aan ka codsanayaa
dadka leh aqoonta wanaagsan ee la xidhiidha xaga maamulka inay soo
qoraaan si ay bulshadu ugu faa,iideystaam.
Waad Mahadsantihiin
Ahmed ismail''