Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha ayaa dawladda
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane,Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland.
Safiirka dawladda Taiwan ayaa uga mahad celiyey Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda wada-shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa,sidoo kale safiirka ayaa xusay sida ay dawladda Taiwan uga go'antahay Taageeradda iyo wada-shaqaynta jamhuuriyadda somaliland iyo siday ugu faraxsanyihiin xidhiidhka wada-shaqyneed ee ka dhaxeeya Labada dawladood.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha ayaa dawladda Taiwan iyo safaaradeeda Magaalada hargeisa uga mahad celiyey Taageerada baaxada leh ee ay la garab taagantahay, sidoo kale wasiirka ayaa uga mahad celiyey safiirka dawladda Taiwan mashaariicda Horumarineed ee ay ka mid yihiiin, deeqaha waxbarasho , qalabka caafimaad, dhismaha Cisbitaalka Hargeisa,taageerada dhaqaale ee Doorashooyinkii qabsoomay 2024, dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee ay ka mid tahay dhismaha Wadada Madaarka Hargeisa.
Ugu danbayn Safiirka ayaa ku wareejiyey Wasiirka Deeq lacageed oo dhan 2,500,000 USD oo dawladda Taiwan ugu talo gashay in ay kaga qayb qaadato wax tarka iyo gargaarka Hawlaha Bani'aadan-tinimo ee Somaliland.