Qoraal Caafimaad Oo Bulshada Caabudwaaq Looga Digayo Khataraha Biyaha Fadhiista Iyo Nadaafad-xumada

Thursday October 15, 2026 - 13:57:46
hadhwanaagnews
Waxa uu si gaar ah uga digay in carruurtu ku dabaashaan biyaha fadhiya



Qoraa Ahmed Qasaali ayaa farriin caafimaad u diray bulshada degmada Caabudwaaq, isaga oo ka digay khataraha caafimaad ee ka dhalan kara biyaha roobka ee fadhiya gudaha magaalada iyo nadaafad-xumada ka jirta deegaanno ka mid ah degmada.

 

Ahmed Qasaali ayaa sheegay in curashada roobabka dayrta ay kordhin karto halista cudurrada qaarkood, gaar ahaan marka biyaha roobku ku darsamaan wasakhda, bulaacadaha iyo saxarada. Waxa uu bulshada ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si looga hortago dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhalan kara xaaladahaas.

 

Waxa uu si gaar ah uga digay in carruurtu ku dabaashaan biyaha fadhiya ee aan nadiifta ahayn, isaga oo xusay in taabashada biyaha wasakhaysan ay keeni karto caabuqyo ku dhaca maqaarka, indhaha iyo hab-dhiska dheefshiidka.

 

Qoraaga ayaa sidoo kale tilmaamay in degmada Caabudwaaq ay ku nool yihiin macallimiin, arday iyo khubaro caafimaad oo tiro badan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan kara wacyigelinta bulshada iyo faafinta xogta la xidhiidha ka hortagga cudurrada xilli-roobaadka.

 

Waxa uu ku baaqay in la xoojiyo wacyigelinta caafimaadka, nadaafadda guud iyo baraarujinta bulshada ee ku saabsan khataraha laga hortagi karo, isaga oo carrabka ku adkeeyey in aan la sugin inta dhibaato caafimaad dhacdo ka hor inta aan tallaabo la qaadin.

 

Ahmed Qasaali ayaa qoraalkiisa ku soo gunaanaday su’aal ku saabsan masuuliyadda bulshada, isaga oo yidhi: "Ma waxaan sugaynaa duul samada inooga yimaada oo wax inoo sheega haddii aanan innagu wax isku falin?”

 

Qoraalkan ayaa bulshada Caabudwaaq xusuusinaya muhiimadda ay leedahay ilaalinta nadaafadda, ka fogaanshaha biyaha wasakhaysan iyo iskaashiga bulshada si loo yareeyo khataraha caafimaad ee la xidhiidha xilli-roobaadka.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...