Magaalo Rooxaan looga guurayo- Caano-Madoobe

Monday November 09, 2026 - 10:14:11
hadhwanaagnews
Arrinkan wey fahmi waayeen dadka deegaanku inkastoo xataa magaalada



Ilaa Bishii September 2026 badhtankeediiwaxaa dadka ku dhaqan magaalada ama (QABALAYGA) Caano-Madoobe oo degmada GAASHAAMMO ka xiga xagga Galbeed ka taagnaa arrin si is dabajoog ah ugu soo noqnoqonayey dadka halkaas ku dhaqan.

Dadka halkaas ku dhaqan arrin MUCJISO ah oo wax ku qaadasho mudan ayaa kusoo noqnoqonayey kaasoo ahaa in wiiggii ama usbuuciiba ugu yaraan saddex jeer waqtiga habeenkii NISKA danbe ay maqlaan codad QAYLINAYA oo argagax leh.

Codadkaasi waxay Habeenkii goor danbe ka qayliyaan BERKEDAHA dhanka Galbeed-Waqooyi magaalada ka xiga waana Codad marka loo soo dhowaado aammusaya.

Arrinkan wey fahmi waayeen dadka deegaanku inkastoo xataa magaalada GAASHAAMMO lala wadaagay colimada joogta haddana weli xal looma helin.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in codadkaasi ay yihiin codad u xun qalbiga Binu-aadamka oo Qaylo iyo OOHIN iyo CABAAD sidii qof la CIQAABAYO oo kale u qaylinaya.

Runtii waxay dadka deegaankaasi doonayaan iney arrinka usoo bandhigaan cid xagga diinta uga aqoon badan waxayse doonayaan in ciddii ku dhaanta aqoon diimeed ay usoo gurmadaan ama ugu yaraan talooyin soo siiyaan

Dadkii degganaa qaar ayaa cabsi darteed bilaabay iney guuraan inkastoo dad badani soo jeedinayaan in Somaliland Colimadeeda gurmad loo dirsado.

Wa billaahi tawffiq


Tamren Kings <[email protected]>
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...